DEG DEG: Shacabka Nigeria oo sabab u noqday in albaabada la iskugu dhufto Safaaraddii KA ee Lagos

0

(Lagos) 05 Sebt 2019 – Dowladda Koonfur Afrika ayay khasab ku noqotay inay albaabada u laabto Safaaraddii ay ku lahayd magaalada Lagos ee caasimadda Nigeria, kaddib markii ay wax ka qaban wayday weerarrada ka socda dalkeeda ee inta badan ka dhanka ah Nigerian-ka oo lagu eedaynayo inay ”daroogo iyo dhillaysi ku halakeeyeen” dalka South Africa.

Sida laga soo xigtey Wakaaladda Wararka South Africa ee ENCA, waxaa Safaaradda la xirey shalay, balse iminka unbaa laga war helay.

“Go’aanka Safaaradda lagu xirey wuxuu salka ku hayaa walaac amaan oo laga qabo amaanka shaqaalaha ka shaqaynaya,” ayay ENCA kasoo xigatey Lunga Ngqengelele oo ka tiran Waaxda Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Safaaradda.

Warar ayaa sheegaya in Safaaradda weerar lagu qaaday, balse lama sheegin cid wax ku noqotay iyo xaddiga waxyeellada gaarey toona, waloow meesha laga saaray waxyeello jireed oo dhacday, sida ay goobjooggu sheegeen.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada heehaabaya muuqaallo ku saabsan dukaamo ay leeyihiin ganacsato South African ah sida Shoprite oo ay boobayaan dad Nigerian ah oo ula jeeda aargudasho, waloow markiiba laga gaarey oo ay arrinta gacanta ku dhigeen Booliiska Federaalka ah ee Nigeria.

Hadalsame Media