Muqdisho shalaydii Hoggaamiye Kooxeedyada & maanta middee LIIDATAA?!!

0

(Muqdisho) 04 Sebt 2019 – Nin aan waqti dheer saaxiibo nahay oo aan isku magaallo ku soo wada kornay, kaasoo haatan ku nool Muqdisho, isla markaana aan meel uga bixin ayaa waxa uu dhowr jeer igu yiri:

“Yaxye jooji muuqaalladan aad soo dhigeyso baraha bulshada ee Soomaaliya, annaga ayaa halkan joogna oo aan meel uga bixin, waddanka maanta xaaladda uu marayo waa middii ugu xumeyd, dhinac walba waa uu hooseeyaa, xag amni, xag dhaqaale, xag waxbarasho, xag ganacsi iyo xag horumar bulsho, waxaa xitaa maanta Seb. 2019 heerka ay Muqdisho mareyso ay ka liidataa xilligii hoggaamiye kooxeedyada”.

Anigoo og in culeysyo badan ay weli jiraan haddana Ninkaas odayga ah ee saaxiibkeyga ah ee mowqifkaasi ka taagan Soomaaliya ayaa anigoon iska xumeynin waxaan si aayar ah ugu tusaaleeyay halka laga soo dhaqaaqay, waxaana tusay sawirkan isku halka goob ah ee laga qaaday Muqdisho waagii hoggaamiye kooxeedyada iyo maanta, haddii si kale aan u iraahdana (Shalay iyo Maanta).

Bal ninkaasi saaxiibkeyga ah noo kala gar qaada!

Waxaa Qoray: Yaxye Y Khasaaro

Hadalsame Media