Dalalka Afrika oo u kala dheereeynaya sidii ay tillaabo uga qaadi lahaayeen Koonfur Afrika (Somalia?)

0

(Johannesburg) 04 Sebt 2019 – Dowladaha Afrika ayaa isku bahaysanaya in ay tallaabo adag ka qaadaan South Afrika ama ugu yaraan aysan wax xiriir ah la yeelan kaddib markii la bar tilmaamaysaday dadka ka soo jeeda dalalka Afrika ee ganacsiga ku haystay Johannesburg, iyadoo qaarkood la dilay hantidoodina laga dhigay wax la gubay iyo wax la bililiqeystay.

Dowladda Nigeria ayaa tallaabadii ugu horreysay qaadday waxayna qaadacday shirka dhaqaalaha oo ay ka qayb geli lahayd kaasoo ka dhici doona Cape Town, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Nigeria Yemi Osimbajo.

Fannaaniin Nigerian ah sida Burna Boy iyo Tiwa Savage ayaa iyaguna baajiyay xaflado heeso ah oo ay South Afrika ku qaban lahaayeen iyagoo la saftay muwaadiniinta dalkooda ee lagu dhibaateeyay South Afrika.

Xiriirka Kubadda Cagta Zambia ayaa gebi ahaanba kansalay kulan saaxiibtinnimo oo ay la yeelan lahaayeen dhiggooda Koonfur Afrika, sababo la xiriira weerarrada ka dhanka ah shucuubta Afrika.

Wiilasha Chipolopolo ayaa la ciyaari lahaa xulka Bafana Bafana kulankaasoo la qoondeeyay inuu Sabtiga ku qabsoomo dalka Zambia.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna waxaa la rabaa inay si weyn uga war hayso muwaadiniinteenna ku nool South Afrika isla markaana ay qaaddo tallaabada ku habboon ee loogu hiilinayo walaalaha Soomaaliyeed iyo hantidooda.

Waxaa Diyaariyay: Yaxye Y Khasaare

Hadalsame Media