”Somalia waxay Kenya kusoo rogtey cunaqabatayn dhaqaale!” – Muxuu The Star ka yiri dayuuradihii tooska ahaa ee Kismaayo laga joojiyay?!

0

(Nairobi) 03 Sebt 2019 – Somalia ayaa soo rogtey amar ah in dayuuradaha ka imanaya Kenya ee Kismaayo u socdaa ay Muqdisho soo maraan, xilli uu sii laxaadsanayo muranka diblomaasiyadeed ee labada dal, sida uu qoray The Star.

Muqdisho ayaa sidaa fursad ugu heleeysa inay baarto oo ogaato waxyaabaha Kenya ka imanaya ee Kismaayo u socda, si ka duwan sidii hore oo dayuuradaha ku degaya Kismaayo, Garbahaarreey iwm la ogolaa inay toos uga soo duulaan Kenya.

“Waxay farsamo ahaan ciqaabayaan ganacsatada u safraysa Kismaayo, oo ah hab ganacsi oo ay Somalia leedahay. Maadaama haddii aad Nairobi ka tagto aad ku khasban tahay inaad Muqdisho tagto kaddib Kismaayo, kaddib Muqdisho, kaddib Wajeer, kaddibna Nairobi,” ayuu The Star sheegay inuu kasoo xigtey ganacsade Soomaali ah.

Wargayska ayaa qoray in tillaabadan ay DF Somalia uga gol leedahay inay ku EDBISO Kenya oo beri dhowayd bilowday inay la xirato maaamul-goboleedyo Somalia ku caasi garoobey sida Jubaland, Galmudug, Hirshabelle, Jubaland, Puntland, Somaliland iyo KG Somalia, waa sida uu The Star hadalka u dhigaye.

Arrintan ayaa sidoo kale jawaab celin u ah joojinta Kenya ee duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho ka iman jirey oo Wajeer loo wareejiyay, taasoo ay DF Somalia ku tilmaantay mid lagu ciqaabayo shacabka Somalia.

Kenya ayaa sidoo kale dal ku galkii laga soo saari jirey gudaha Somalia iminka loo bedeley garoonka JKIA, taasoo lagu soo kordhiyay soo maritaankii Wajeer, balse tillaabada DF Somalia ay duullimaadyada Kenya kusoo marinayso Muqdisho ayaa u muuqda mid ay Kenya u aragtay in iyada lagula xisaabtamayo, maadaama ay magaaladaa ka galaa baxaysay.

”Tillaabadan ugu dambaysa ee ay qaadday DF Somalia waa cunaqabatayn dhaqaale oo ka dhan ah Kenya, waxayna Somalia siinaysaa awood dheeraad ah oo ay ku baarto badeecooyinka Kenya ka imanaya ee soo gelaya dalkan ay dagaalladu la degeen.” ayuu yiri The Star.

Dad badan oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa qaba in ay Kenya dagaal shaksi ah u qaadato tillaabada ay DF Somalia ka qaaday Kismaayo ay muujinayso heerka uu gaarsiisan yahay faragelinta ay Kenya halkaa ka waddo, heer ay u dhaqanto sidii inay Kismaayo ka tirsan tahay Kenya.

Hadalsame Media