Maraykanka oo heshiis la yaab leh la gaarey kooxda Daalibaan

0

(Kabul) 03 Sebt 2019 – Zalmay Khalilzad, wakiilka Maraykanka ee u qaabilsan wadahadalada kooxda Taalibaan ayaa u geeyey heshiis qabyo qoraal ah oo Qadar ugu soo idlaaday isaga iyo kooxdaa madaxwaynaha Afqaanistaan Ashraf Gani.

Maraykanku muddo badan oo uu dagaal kula jiray awooddii Taalibaan waa waqii waayey, ku dhawaad 5,000 oo askari ayaa kaga maqan iyo dhaqaale ku dhow hal tariilyan, dhanka Afqaanistaanna waxa ay ku tabaysaa sida afkiisaba ku sheegay madaxwaynahoodu 45,000 oo askari. Waxaa sidoo kale ku dhintay boqollaal kun oo rayid ah.

Maraykanka ayaa haddaba xalka waxa uu u arkay in uu la heshiiyo oo awood ciidan meel iska dhigo, si danaha la wada leeyahay la isugu fahmo.

Heshiiskaa waxaa ku jira in Maraykanku ciidankiisa kala baxayo halkaa, taa baddelkeeda uu ka doonayo Taalibaan, afqaanistan oo urur argagixiso ka caaggan islamarkaana aan duullaan looga soo qaadin dariskeeda iyo in aysan taaban danaha Ameerikaanka ee aaggaa.

Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media