Ciidanka Gurmadka Hargaysa oo qaaday tillaabo ku DAYASHO mudan

0

(Hargaysa) 03 Agoosto 2019 – 6 qofood ayaa laga rukhseeyay xarunta Dab-damiska ee Degmada Axmed Macallin Haaruun ee magaalada Hargaysa, kuwaasoo ay xitaa ku jiraan kuwo mas’uuliyiin ah.

Raggan la rukhseeyay ayaa kiiskooda loo cuskaday inay leeyihiin balwadda qaadka iyo sigaarka, taasoo ka hor imanaysa hab-raaca, hab-howleedka iyo anshaxa u degsan Ciidamada Gurmadka Somaliland, sida lagu yiri qoraalka.

Waxaa raggan shaqada laga eryey oo magacyadooda lasoo bandhigay, balse aynaan doonaynin inaan faafinno oo uu ku jiro Taliye Xigeenka Xarunta Gurmadka Degmada, lagu helay inay sigaar iyo jaad ku isticmaaleen goobta shaqada xilliyo ay heegan shaqo lahaayeen.

Raggan ayaa sida lagu eedeeyay ku tuntay Xeer-hoosaadka Gurmadka qodobkiisa 19-aad, fakhraddiisa 1-aad oo sheegaya in aan jaad, sigaar iyo balwadaha kaleba loo ogolayn shaqaalaha Gurmadka, qofkii lagu qabto isagoo cunaya, cabaya, ama qiijinayana/qaacinaya toos loo cayrinayo.

Balwadaha noocan ah ayaa fara ba’an ku haya Soomaalida oo ay wax soo saarkooda, caafimaadkooda iyo anshaxooda aad u dhaawacdo, waana markii ugu horreeysey ee dad shaqo looga cayriyo inta la xusuusto.

Hadalsame Media