Aragtida qabyaalad ku doonka ah & sida ay TAYADA uga disho siyaasadda Soomaalida

0

(Hadalsame) 03 Sebt 2019 – Soomaalidu weli kama korin dhaqankii qabaliga ahaa ee ay ku soo dooran jireen habda ninka ay meel inuu ugu matalo rabaan.

Markaad aragto iyada oo loolan siyaasadeed oo xil raadin ahi socdo waxaa qalbigaaga si mug leh ugu soo dhacaya in laga gudbayo nidaamkii doorasho ee qabyaaladaysnaa loona gudbayo qaab nin iyo ciduu u garto inuu meeshaas loo tartamayo u qalmo.

Waxay sheekaba qudhuntaa jeer kasta oo meel ka midda Soomaaliya kursi ka banaanaado, midkastaba wuxuu sanka kaa soo galinayaa koodii ugu liitay ee bulshadu horay ay u soo tuftay, isla markaa adoo u jeedana waxaa laga dhigayaa khayrbadane midka ugu asluubsan, heerkaasna wuxuu ku mudanayaa qabyaalad.

Tani kama jirto oo kaliya Soomaaliya laakiinse waxay aad u ragaadisay Soomaalida qurbaha joogta ee la tartamaysa asaagooda kale, tusaale; bulshada Kenyanka ah ee qurba joogti waxay soo sharaxayaan hal qof oo kaliya, halka Soomaalidu isbarbar wadaan 30 kala kaana oo mid walba inaadeerkii oo saaqida boodhka kaaga soo jafayo rabana inuu tartan golo deegaan oo wadan kale ah matalo.

Qabyaalada sidaan ugu dhaqmayno, waxay ka awood badatay hab nololeedkeenii.

Hadalsame Media