Xasan Sh. Max’ud oo ka hadlay sida uu u arko hadalkii Sanbaloolshe

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2019 – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa ku gacan seyray hadalo baraha bulshada heysta oo ka soo yeeray Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe), oo kamid ah Saraakiisha Xisbiga uu hoggaamiyo Hassan Sheikh.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa war uu soo saaray wuxuu u qornaa sidaan:

“Siyaasadda Soomaaliya ee xilliyadaan dambe waxay ahayd mid gabi dhacleyneyso oo aan jihaysneyn. Sidaas daraadeed ayaa mararka qaar lala kulmaa aragtiyo kala duwan ama ka durugsan mabadi’dii siyaasadeed ee asaasiga inoo ahayd, taas oo ku qeexan dastuurka Kmg ah, oo siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed xuquuq siyaasadeed oo siman.

Baryahaan waxaa baraha bulshada yiillay ra’yi uu ka hadlay mudane Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe).

Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha. Ummadda Soomaaliyeedna sidaas ha ula socoto arrinkaas.”

Hadalsame Media