Hay’adda Amnesty oo ku ”faraxday” xarigga Wasiirkii Amniga Jubbaland

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2019 – Hay’adda Xuquuqda Aadamaha u doodda ee Amnistey international, ayaa soo dhawaysay xadhiga Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan, waxaana ay ku tilmaantay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca isla xisaabtanka.

Amnesty, ayaa ku baaqday in baadhitaan daah furan lagu sameeyo dilalka iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda bani aadamka ee lagu eedeeyay sarkaalkaasi inuu ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Gedo, sida lagu xusay warbixin loo gudbiyay Golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

Saif Magango, oo ah agaasimaha bariga Afrika u qaabilsan Hay’adda Amnesty ayaa maanta soo saartay bayaanka ay ku soo dhaweeyeen xadhiga cabdirashiid janan oo laba cisho ka hor lagu qabtay magaalada madaarka Muqdisho.

Xigasho: Horncable TV

Hadalsame Media