Go’aankii ay DF dayuuradaha Kismaayo u socda ku amartay inay Muqdisho soo maraan oo dhaqan galay

0

(Muqdisho) 02 Agoosto 2019 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in amarkii Dowladda Federaalka Somalia ay kasoo saartay diyaaradaha Kismaayo taga inay Muqdisho soo maraan uu maanta dhaqangalay.

Dayuurad kasoo duushay magaalada Nairobi ee caasimadda Nairobi isla markaana u socotey magaalada Kismaayo ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho soo martay.

Waxaa halkaa dalku galka laga siiyay dadkii aan Soomaalida ahayn ee Kismaayo u socdey ee ujeed socodkooda lagu qancay, halka dhamaan rakaabkii dayuuradda la socdey la wada baaray.

Maamulka Jubbaland ayaa qaban qaabiyay dibad bax uu ku sheegayo in ‘go’doominta laga daayo shacabka Kismaayo’ waloow uu xukunkani yahay kaliya mid ay dayuuraddu sii marayso Muqdisho, balse aan xayiraad kale la saarin.

Hadalsame Media