Xaaladda Xildhibaan Alle u xiir & xiiqsanaantii Garoonka Aadan Cadde!! (Sheeko qosol badan)

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2019 – Garoonka Aden Cadde, maanta buuq badan ayaa ka jira. Siyaasiyiin Xildhibaanno u badan ayaa meel kasta taagan iyaga oo jiidaya Boorsooyin miisaankoodu meel dhexe yahay.

Waa safar, laga yaabo inay soo iloobeen Ducada ah ‘ Jidka Taako dhib yar Alle ha nooga dhigo’. Waxay u soo baxeen inay u dhoofaan Magaalada Kismaayo oo ay ka dhaceyso Xaflad caleema-saar Madaxweyne ah.

Waa martiqaadanyihiin, laakiin meesha ay ka dhoofayaan lagama oggola Safarkooda.

Kolkii ay diyaaradda fuuleen ayaa Askar Dharcad ah ay ku yaaceen gudaha Diyaaradda, sidiiyoo ay baadi goobayaan Qof la raadinayo, waa run hal qof maahee Dad badan ayey baadi goobayaan maanta, waana Xildhibaanno baxsad u ah Magaalada Kismaayo.!!

Kolkii Ragga muraayada madoow indhaha ku sita ay dhinacyada diyaaradda jalleeceen, waxay arkayaan Koox Xildhibaanno oo kuraasta buuxiyey. ‘ mudane soo deg, lama oggola inaad maanta Diyaaradda raacdo’ waa Amarka ay bixinayaan. “Maxaa dhacay,…..Xildhibaanno Qaran ayaan nahay, xor baan u nahay meeshaan u dhoofeyno” iyo hadallo kale oo sawaxankooda ay dhibsanayaan shaqaalaha iyo Duuliyeyaasha Ajnabiga ah ee diyaaradda ayaa is qabsaday.

Waxoogaa ka dib, Xildhibaanada ayaa Mobiladooda lasoo baxaya, waxayna Live facebook kasoo galayaan Garoonka dhaxdiisa maadaama aysan heli karin Wariyeyaal warkooda kasoo tabiya diyaaradda bannaankeeda.

Xildhibaan Alle u xiir, oo intay sokortii ku kacday Afkiisa Candhuuf ka raadinaya ayaa hadlaya, wuu tartarayaa sida Gaari cilladeysan caro darteed.!

“Xaq maaha in Kismaayo aadi ma kartaan la yiraahdo Xildhibaanada Qaranka” ayaa ka mid ah hadalo kacsanaan badani ka muuqato oo uu Mobilkiisa ka soo jeedinayo.

“Soomaaliyeey ogaada, in Amar kasoo baxay Madaxda sare ee Dowladda lagu xayiray dhaq dhaqaada Xildhibaanada” ayuu sii raaciyey isaga oo Fartiisa Mudursatada kor u taagaya.

Waxani wali ma dhicin laakiin waa dhici karaan maalmaha soo socda marka la gaaro Caleema saarka Axmed Madoobe sow maaha?

Waxaa Mala Awaaley: Qaasim Cabdulle Xuseen

Hadalsame Media