Dadka reer Galmudug hal qodob haku dadaalaan, midna ha iska diidaan!

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2019 – Waxaa socda dadaallo ay horseed ka tahay DF Somalia oo lagu doonayo in dib loogu dhiso Maamul la isku raacsan yahay oo ka hana qaada degaannada Galmudug oo dhan.

Dadka reer Galmudug oo aan 5 sanadood oo dhan aan hal mashruuc laga fulin deegaankooda waxaa hor yaalla 2 qodob:

1 – Inay taageeraan dadaallada dowladda Soomaaliya ay dib ugu yagleeleyso Galmudug dhameystiran oo hesha xuquuqda ay maamulada kale helaan ee isugu jirta mashaariic horumarineed iyo taagero dhaqaale si maamulku u yeesho hay,ado dowladeed oo awood leh adeeg dhamesytirana u qabta dadka deegaanka.

2 – In ay diidaan in ay Galmuudg noqoto dhufays ay dowladda kasoo dhagaxyeeyaan kuwa aan habeen u dhafrin darteed, islamarkaana leh dano gaar ah oo aan dadku waxba ka dheefaynin inay ku kala qaybsamaan, ama ay meesha ka saarto danaha dadka deegaanka mooyee.

Waayo muhiimadda maamul-goboleed u dhisan yahay ma aha in dowladda lala xafiiltamo ee waa in lala howlgalo si loo helo mashaariic waawayn oo horumarineed oo guud ahaan dalka Somalia iyo dadkiisa wax tara.

Waxaa Qoray: Bashiir Gaanni

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media

Facebook Comments