DAAWO: AC Milan oo laacib muhim ah lasoo wareegtey mid kalena ku raad joogta

0

(Milano) 01 Agoosto 2019 – Kooxda AC Milan ayaa dhamaystirtay saxiixii 6-aad sida ku qoran calciomercato, kaddib saxiixyadii ay sameeyeen Paolo Maldini, Frederic Massara iyo Zvonimir Boban sida Krunic, Theo Hernandez, Bennacer, Duarte iyo Rafael Leao, waxaa haatan imanaya Ante Rebic oo u dhashay Croatia.

Sidoo kale Sky Sport Italia, Sky Sport Germany iyo Sportitalia, ayaa sheegaya in si buuxda la isu afgartay oo waxa harsani yihiin caafimaadka, iyadoo ay saxaafadda Talyaanigu qorayso inuu isla caawa kasoo degayo Milano, si uu berri caafimaadka u maro.

Rebic oo dabayaaqada bishan 26-jirsanaya, ayaa mar u dhowaa kooxda Inter, balse wuxuu ku xirnaa haddii uu Matteo Politano ka aado Fiorentina, taasoo uu meesha ka saaray Antonio Conte. Sidaa darteed waxaa ka faa’iidaysatey Milan oo isla qaacidadii amaahda ahayd ee la bixinayay €25m iyo bareemiyo kusoo daftay, waxaase tibxaha heshiiska laga tiray qaybtii khasab ka dhigaysey iibkiisa kaddib dhowr kulan.

Yeelkeede, khabiirka suuqa ee Sky Sport Italia ee Gianluca Di Marzio, ayaa sheegaya in Andre Silva uu isna ogolaaday inuu aado Eintracht Frankfurt, oo iyaduna ku qaadanaysa amaah ay hadhoow ku iibsan karto €25-30m.

Ha yeeshee, intaa uun Milan kuma joogsanayso oo waxay weerar ku qaadday laacibka Taison ee u safta Shakhtar Donetsk, iyadoo sida ay sheegayaan Gianluca Di Marzio, iyo calciomercato ay maamulka Rossoneri gaar ahaan Paolo Maldini iyo Frederic Massara ay haatan wada xaajood kula jiraan kooxdaasi ay usoo helaan 31-jirkan waaya aragga ah ee reer Brazil.

Hadalsame Media