Sharci cusub oo ka dhaqan galay Australia & halis wayn oo la socota!!

0

(Canbera) 31 Agoosto 2019 – Galbeedka Australia waxaa laga dhaqangelinayaa xeer baabi’inaya kala soocnaanta musqulaha ragga iyo dumarka waxaana laga dhigi rabaa “Midaad rabtid gal” nin ahow, naag ahow ama qowmuluud ahow. Waxaa la fujinayaa tilmaamaha musqulaha ee ragga iyo dumar.

Meheradaha qaarkood goor horeba xeerkaan waan dhaqangeliyeen, waxaa ka mid ah McDONALD’s. Saaka mar aan kafee ka iibsaday oo aan musqul ka galay midda aan galay wax ay ahayd kuwii horay dumark kaliya u isticmaali jireen.

Waxaa ii muuqata dhibaatada ka soo socoto xeerkaan ee maqaayado McDonald’s ka mid tahay ka shaqallaayi doonaan, marka dumar iyo carruur badan musqulohooda lagu taataabto ama lagu ka farqxumeeyo ka dib magdhow farabadan lagu xukumo.

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media