QISO DHAB AH: Gaboodfal ay RAGGU kula kacaan HAWEENKA Soomaaliyeed oo sii baahaya!!

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2019 – Gaboodfallada dumarka Soomaaliyeed lagu sameeyo waa kuwa baahsan sannadba sannadka ka dambeeyana isa sii taraya. Waayihii hore gaboodfalladaas ragga Soomaalidu dumarka kula kacaan waxaa ugu waa waynaa guurka khasabka ah ee gabdhaha aabbayaashood xoolaha dhaafsan jireen, dhaxalka oo lagu dulmin jiray hawl-maalmeedyada guriga oo dumarku qaban jireen shaqooyinka kuwa ugu culus ayada oon raggu wax jixinjix ah u muujinayn – waxayba ragga qaarkood aamminsanaayeen in dumarka loo uumay qabashada shaqooyinkaas culus oo dumarka Soomaaliyeed muuq iyo maskax ahaan u dhaawacay.

Waxaa intaas raacay dhibaatooyin guurka qarsoodiga ah (qudbosiro) iyo furriinka oo ayaga si mug leh u baahay dhawr soddonkii sannadood ee u dambaysay. Waagii hore guurku wuxuu lahaa mug iyo maamuus, guursigana muddo dheer ayaa loo tabaabushaysan jiray. Qudbosiradu ma ahayn dhaqan Soomaaliyeed gabdhuhuna waa ka dhiman jireen ha lagu qudbosiraysto.

Ayada oo weli qaybo gaboodfalladaas dumarka ka dhanka ahi ka sii jiraan dalka ayaa waayahaan waxaa bilowday gaboodfallo kale oo ka sii daran kuwii hore, KUFSI. U ma baahni in aan faalleeyo heerka kufsiga uu gaaray dalkeenna waa mid aan dhammaanteen ka wada warqabno.

Haddaba qodobka aan rabo im aan dul istaago waa guurka qudbosirada ama qarsoodiga ah oo noqday cudurka halis ah oo si baahsan dalka ugu faafay gabdho badanna mustaqbalkoodu mugdi geliyay. Qudbosiradu ama guurka qarsoodiga ahi waa ayada oo gabadha iyo wiilku ku heshiiyaan in ay is mehersadaan ayaga oo aan ogaynsiin labadooda cidood.

Sababaha ay sidaas u samaynayaan waa badan yihiin waxaase ugu miisaan culus… Wiilka oo guur toos ah diyaar u ahayn balse raba galmo bilaash ah. Waxaa laga yaabaa in uusan wiilku markaas lahayn awood uu ku guursado sida SOORYO-DHIIBID iyo dhismaha reerka sida kirayta hoygii lagu noolaan lahaa, gadidda agabkii guriga la dhigi lahaa iwm ama xitaa uu awoodo balse aanu diyaarba u ahayn inuu reer dhaqdo, sidaas daraaddeed uu dan bido qudbosiro.

Tabaha ay raggu adeegsadaan marka ay rabaan in ay gabar qudbosiraystaan waxa ka mid ah gabadha oo qalbigeeda la hanto inta jacayl lagu beero ka dib na si dhib yar lagu oggolaysiiyo in la qudbosiraysto, waayo gabadho waxa ay ka cabsanaysaa in ay jacaylkeeda waydo oo uu ka tago haddii ay diiddo.

Gabdho badan ayaa sidaas mustaqbalkoodi loogu ciyaaray oo intii la qudbosiraystay oo uur loo yeelay la furay qaarkoodna ilmihii lagu inkay. Xattaa middii aan ilmaha lagu inkirin ee inta la qudbosiraysto oo uur loo yeelo haddana la furo waxa ay wajahdaa dhib iyo rafaad aan ka yarayn tan lagu inkiray. Waan wada ognahay dhibaatooyinka gabdhahaas la kulmaan ka bilow marka ay wallacdo ayada oo aan daryeel caafimaad heli karin, dhaawac maskaxeed ee gaaraya marka ninkii furo ama ku inkiro ilmaha, dhibaatada ay qoyskeeda kala kulanto ilaa korriimada ilmahaas.

Intaas oo dhan waan oragnaa maalin walba ama maqalnaa, ama gabar qoysaskayaga ka mid ah ama qaraabada ay ku dhacdaa ama wiil qoyska ama qaraabada ah baa sameeya, haddana ma arkaysid cid dhibaatadaas wax ka qabanaysa hadday ahaan lahayd maamullada dalka, culimada, waalidka iyo guud ahaan bulshada. Waxaa jirta in dadkii arrintaan wax ka qaban lahaa qaarkood ay qayb ka yihiin gaboodfallada gabdhaha lagu la kacayo.

Ma is waydiisay weligaa YAA ISKU MEHRIYA dadka is qudbosiraysta? Meherka qarsoodiga ahi diiniyan ma bannaan yahay oo sharci ma yahay? Ugu horrayn anigu kaaga jawaabi maayo su’aalahaas gaar ahaan tan meherka ma sharci baa mise ma ahan balse waxa aan halkaak kugu la wadaagayaa qiso aniga si gaar ah ii saamaysay. Marka aad akhrisid ka dib adigu su’aalaha kore jawaabtooda raadso isna waydiiya sida dhibaatadaan lagu xallin karo.

Nin dacwo ah ayaa noo yimid, waxa uu dacwo ka yahay wiil qoyskeenna ka mid ah oo inta gabar guur-xaday, uur u yeelay haddana furay. Gabadhii waa ay xanuunsan tahay oo isbitaal bay ku jirtaa. Wiilka dacwada laga yahay wax gu’ ka yar ka hor buu aroosay oo gabar uu jecel yahay ayaduna jecel buu qabaa waa qoys isku faraxsan. Ka dib wiilkii ayaa la waydiiyay in ay jirto gabar uu guursaday oo haddana furay. Waa uu qirtay. Ka dib odayaashi cidda ayaa waxa ay bilaabeen in ay lacago aruuriyaan taas oo ay sheegeen in ay tahay gabadhaha meherkeedi iyo lacag isbitaalka ku baxday. Anigu waxa aan ku dooday in aan arrinta marka hore hubinno im ay run tahay iyo inkale.

Waxaa la igu yiri maxaan hubinaynnaa ninkii naagta furan waa kanaa asagaana qiranayee? Wiilkii ayaan waydiiyay goortii uu gabadha mehersaday? Meeshii uu ku mehersaday? Gabadha aabbeheed iyo qoyskeedi halka ay joogeen markii uu mehersanahay? In uu qoyskeeda ogaysiiyeen iyo inkale? Wadaadkii ku meheriyay halka uu joogo iyo markhaatiyadii, iyo maalintii meherki dhacay taariikhdi inta ay ahayd? Meeqa bilood ayaad is qabteen?

Waxa uu iigu jawaabay “ma xasuusto maalintii meherku dhacay taariikhdu inta ay ahayd, aabbeheed meel hebla ayuu jiraa ayay igu tiri, ma ogi run iyo been mid ay ahayd, wadaadkii meheriyay meel hebla ayuu joogaa, markhaatiyadu waa hebel iyo hebel, waxaan is qabnay qiyaashtii 15 BERI.” Ka dib waxaan codsaday wadaadkii wax mehriyyay taleefan nambarkiisa. Nambarkii intaan qaatay ayaan wadaadkii wacay ka dib ma sheekadaan ayaa na dhexmartay salaan ka dib:

Aniga: Shiikh ma taqaannaa hebel hebel?

Wadaadka: haa.

Aniga: Gabar ma ku mehrisay?
Wadaadka: haa.

Aniga: goormay ahayd?

Wadaadka: wallaahi taariikhda ma xasuusto laakiin sannadkaan bilowgiisi meelahaas bay ahayd.

Aniga: waraaq caddayn ah ma qortay ma se haysaa?

Wadaadka: maya, waraaq ma qorin.

Aniga: markhaatiyo ma u haysaa in aad ninkaas gabar ku mehrisay?

Wadaadka: markhaatiyada asagaa watay anigu aqoon u ma lahayn.

Aniga: gabadha aabbeheed halkee joogay markaad mehrinaysay mise kuu oggolaaday in aad gabadhiisa mehrisid?

Wadaadka: waxa ay igu tiri aabbahay meel hebla ayuu jiraa, maya ii ma oggolaan waayo la ma hadlin looma na baahnayn maadaama uu joogay meel masaafadu ka ansixi kartay.

Aniga: ma hubisay in aabbeheed jiray halka ay kuu sheegtay?

Wadaadka: maya.

Aniga: ka warran haddii aabbeheed magaalada kula joogay marka aad gabadhiisa mehrinaysay?

Wadaadka: wallaahi taas dambigeeda ayadaa leh.

Aniga: adiga yaa ku siiyay awoodda aad nimanka iyo naagaha isugu mehrisid ma maxkamad baad tahay? Yaase hubiyay aqoontaada in aad tahay nin meher samayn kara?

Wadaadka: walaalow annagu sidaas ayaan weligeen wax ku mehrin jirnay.

Halkaas markaan maraynno ayaa taleefankii xoog la iiga qaaday ayada oo la igu leeyahay wadaadka faraha ka qaad yuusan ku inkaarine.

Haddana akhristow maxay kula tahay? Wadaadkaas dhibka qayb ma ka yahay? Sidee se wax looga qaban karaan arrintaan?

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media