”Macallinkii wuxuu go’aamiyay in cunugba midka uu ka cag wayn yahay uu ka caqli badan yahay!!!”

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2019 – Macallin ayaa ilmihii uu wax u dhigayey ka qaaday imtixaan ku kooban akhriska iyo qoraalka. Isla maalintaas ayaa ardayda waxaa loo qaybinayey kabo oo macalinku wuxuu qiyaas ka qaaday cagahooda.

Macallinkii wuxuu ka yaabay in ilmihii u kala akhris iyo qoraal badnaayeen siday u kala caga waaweynaayeen. Arday walba kii uu ka cag weynaa waa ka derejo sarreeyey imtixaankii.

Macallinkii wuxuu is yiri qiyaasta cilmiyaysan been ma sheegto. Marka dadku sida ay u kala caga weyn yihiin ayey u kala caqli badan yihiin. Waa natiijo cilmi ah oo biyo kama dhibcaan ah.

Markaad labo wax is garab dhigtid, mar walba natiijada kuu muuqataa sax maaha. Wax saddexaad ama afaraad oo muhiim ah inaad illawday ayaa laga yaabaa.

Macallinku qorshaha kuma darin da’da ardayda. Waxaa laga yaabaa inay siday u kala caga weyn yihiin u kala da’ weyn yihiin, siday u kala da’ weyn yihiinna u kala akhris iyo qoraal badan yihiin.

Natiijo adiga si fudud kuugu muuqata ayaa culimada aqoonta leh waqti dheer ka qaadata inay go’aan ka gaaraan ama si taada ka duwan ugu muuqan karta. Natiijooyinkaas degdegga lagu gaaray waxay sii foolxumaadaan marka koox xoog lihi dhaqan geliso oo ummad ku baabi’so.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media