Ciidamada AMISOM oo gaarey maaalada Dhuusamareeb & shacabka oo aan la dhacsanayn + Sawirro

0

(Dhuusamareeb) 31 Agoosto 2019 – Waxaa magaalada Dhuusamareeb haatan gaarey Ciidamada AMISOM oo ay horay DF Somalia u sheegtay inay tegayaan halkaasi, si ay u sugaan amaanka Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug iyo doorashada xigta.

Ciidamadan oo ka socda dalka Jabuuti oo lagu naanayso ”Hiil Walaal” fadhigooduna yahay saldhigyo ku faafsan gobolka Hiiraan ayaa shalay halkaa kasoo amba baxay.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii ay shalaytoole Dhuusamareeb ku kulmeen Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Ticabu Yilma oo maanta halkaa gaarey, isagoo deeto la kulmay madax ka socotey DF Somalia oo uu ka mid ahaa Wasiirka Amaanka oo markii dambe ku dhawaaqay tillaabadan.

Dad badan ayaa AMISOM ku eedeeynaya inaysan sanadihii dambe oo dhan wax micne leh kusoo kordhin amaanka Somalia, mararka qaarna ay kaba baxaan sharciyadda ay dalka ku joogaan, sida wixii beri dhowayd ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay dad badan u arkeen inaysan ka tarjumaynin nabad ilaalin iyo wax u dhow.

Hadalsame Media

Facebook Comments