SOMALIA-KENYA: ”Aadan Barre Ducaale waa sida ninkii ratigiisii ganaaxey oo kale!!” + Muuqaal

0

(Nairobi) 31 Agoosto 2019 – Waxaa beryahan aad loo hadal hayaa weerarro is daba joog ahaa oo ka imanayay Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo isir ahaan ah nin Soomaali ah, balse aad u weeraraya dan Soomaaliyeed lana saftay dulmi shisheeye.

Ducaale ayaa arrintan u wajahayay si ka dhiirran dhulal kale oo ay isku haystaan Kenya iyo dalalka deriska la ah sida South, Sudan, Tanzania iyo Uganda oo iyaduba qaadatayba jasiiradda Mgingo oo ay leedahay Kenya.

Ducaale wuxuu beri dhowayd agaasimey mooshin la geeyay Baarlamanka dhexe ee Kenya, kaasoo xitaa ay ku jirtey hindise ah in tillaabo millateri laga qaado Somalia oo dhul badeedka la isku haysto iyadu leh, maadaama ay Kenya diiddan tahay Xeerka Caalamiga ah.

Dad badan baa haddaba is waydiinaya waxa kabiixaya Aadan Barre Ducaale ee isaga ku seegaya haddii dhulkaa Somalia oo sharciyan dalkiisii ah marka la eego Dastuurka Somalia, ama uga soo kordhaya haddii ay qaadato Kenya – oo sharciyan ah dalka dhulkiisa xoog ku haysta, maadaama uu gobolkiisu afti ugu codeeyay inuu Somalia ku biiro?

Oday aynaan magaciisa helin oo ka sheekeeynayay tacaalo kusoo qabsatay qurbaha ayaa kusoo daray sheeko qosol badan balse micne leh oo ah misaal ku habboon Aadan Barre Ducaale. Wuxuu yiri:

”Nin adeerkay ah ayaa waagii Guul-waduhu soo baxay la qoray, waxaa lagu yiri wax kasta oo khalad sameeya waad ganaaxaysaa dad iyo xoolaba, maalintii dambe ayuu arkay ratigiisii oo beertiisii daaqaya, kaddibna ratigii ayuu dacayeeyay isagoo geeyay meeshii lagu ganaaxayay. Hadde ratiga iyo beerta uu daaqayba isagaa iska leh.” ayuu yiri.

”Maalmahan waxaan maqlayay nin Soomaali Kenyan oo leh anigu Soomaali baan ahay, badda Soomaaliyana Kenyaa leh!! Waa adeerkay ratigiisii ganaaxay oo kale!!” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media