RASMI: DF Somalia oo ku dhawaaqday in Dhuusamareeb la gaynayo Ciidamada AMISOM

0

(Dhuusamareeb) 30 Agoosto 2019 – DF Somalia ayaa si rasmi ah uga dhawaajisay in magaalada Dhuusamareeb la gaynayo ciidamada AMISOM ee Somalia u jooga howlgalka nabad ilaalineed ee Midowga Afrika.

Sida uu sheegay Wasiirka Amniga Somalia Maxamed Abuukar Ducaale, waxay ciidamadan Dhuusamareeb la gaynayaa ay gacan ka gaysan doonaan sugitaanka amaanka magaalada  Dhuusamareeb, si halkaa loogu qabto doorasho ”xor iyo xalaal ah.”

”Waxaa Dhuusamareeb noogu yimid saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha Guud ee AMISOM, waxaana ka wada hadalnay sidii ay u wada shaqayn lahaayeen qaybaha kala geddisan ee Ciidamada Qalabka Sida, si loo dhiso maamul ay u dhan yihiin dadwayaha Galmudug.” ayuu yiri Wasiirka Amaanku.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii ay Dhuusamareeb ku kulmeen Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Ticabu Yilma oo maanta halkaa gaarey, isagoo deeto la kulmay madax ka socotey DF Somalia oo uu ka mid ahaa Wasiirka Amaanku.

Go’aankan ayaa waxaa horay u diidanayd kooxda Ahlu-Sunna balse waxaa habeen hore dhacay kulan ay isku af garteen DF Somalia iyo kooxdaasi oo ku heshiiyay inay ka wada shaqeeyaan sidii Dhuusamareeb u noqon lahayd caasimadda Galmudug midaysan oo dhismeheeda la bilaabayo kaddib shirka dib u heshiisiinta.

Hadalsame Media