”Inaad tiraa waxaan wada hadashiinayaa Somalia & Somaliland waa aragti gaaban!!” – Somaliland oo Deni u jawaabtey

0

(Hargaysa) 30 Agoosto 2019 – Somaliland ayaa ka jawaabtey hadalkii uu dhowaan Madaxweynaha maamulka Puntland uu ku sheegay in uu wada heshiisinayo Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo weliba sheegay inuu kulanka noocaas ah ku qabanayo magaalada Garoowe.

Ninka ku magacaaban Wasiir Dibadeedka Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa lahjad adag uga fal-celiyay warka kasoo baxay Md Deni, isagoo sidoo kale dhaliilay DF Somalia.

“Inagu Maamul ma nihin ee waxaynu nahay Dal iyo Dawlad, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waa ku khalad inuu inaga Maamul inagu sheego, marka uu leeyahay Soomaaliya iyo Somaliland ayaan wada hadashiinayaa, oo Garowe ayaan Shir ugu qabanayaa si loo dhamaystiro Dastuurka qabyada ah, waxaan leeyahay marka hore adigu waxaad ka mid tahay Soomaaliya, Maamulkaagu waa Maamul Goboleed ka tirsan Soomaaliya”.

“Shir Somaliland aad ugu qaban karto Garowe ma jiro, Dastuur qabyo ka ah Soomaaliya oo Somaliland u yaalana ma jiro, anagu Somaliland ahaanu waxaanu leenahay Dastuur noo gaar ah, markaas marka aad leedahay Somaliland iyo Soomaaliya ayaana wada hadashiinayaana waa aragti gaaban, Madaxweynaha Puntland dhex ma noqon karo, wuxuu ka hadlayanaa waa waxay awalba ku hadli jireen qolada Soomaaliya ee uu ka midka yahay”.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale weerar ku qaaday DF Somalia oo uu ku dhaliilay inay ka caga jiidayso wada xaajood ay la yeelato maamulka Somaliland oo sheegta inuu Somalia ka go’ay 1991-kii.

“Soomaaliya diyaar uma aha wada-hadalada, mana doonayso inay inala hadasho, daacadna kama ah, maxaa yeelay Soomaliya waxay ogtahay inay wada-hadalada Somaliland wax badan ku waayeyso iyo inaynu ka gar helayno, madaama aynu ka gar leenahay, dood kasta oo ay ku doodo, iyo si kasta oo ay noo sheegantana wax u suurtagalaya maaha, ee waxay ka baqaysaa inay si toos ah inoola hadasho”.

Faratoon ayaa ka hadlay waxa keenay inuu fashilmo isku dayga ay muddada 30-ka sano ku dhow Somaliland ku raadinayso aqoonsi dowladnimo oo rasmi ah, jeer aanu ilaa iminka jirin xitaa hal dal oo aqoonsaday dalnimada Somaliland wuxuu yiri:

“Waddamo badani sababo kala duwan ayey aqoonsiga Somaliland u diidayaan, in badana xog ogaal baanay ka ahayn xaqiiqooyinka jira, Wadamada og xaqiiqooyinka jira, sababo kale duwan ayey aqoonsiga u diidayaan, ama Wadamada Afrika ha noqdaan, ama Wadamo kale oo Caalamka ahba, laakiin maaha in marnaba la iska indho tiro aqoonsiga jiritaanka dawladnimada iyo dalnimada Somaliland”.

Hadalsame Media