Dalkee ka socdaan Ciidamada AMISOM ee Dhuusamareeb la gaynayo?? (Ciidamo gaar ah oo halkaa gaarey)

0

(Dhuusamareeb) 30 Agoosto 2019 – DF Somalia ayaa goor dhowayd ku dhawaaqday in Ciidamo ka tirsan AMISOM la gaynayo magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda maamulka Galmudug, sida uu caddeeyay Wasiirka Amaanka Somalia.

Yeelkeede, dadka ayaa is waydiinayay nooca ay yihiin ciidamada AMISOM ee imanaya magaalada Dhuusamareeb, maadaama ay Ciidamada AMISOM ka kala socdaan dalal dhowr ah.

Cali Yare Cali oo haatan ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay nooca ay yihiin ciidamada imanaya Dhuusamareeb, ugu yaraan waqti-xaadirkan, wuxuuna boggiisa Facebook kusoo qoray:

”Muddo Saacad ah ka dib, ciidamada Nabad ilaalinta ee midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan Ciidanka Jabuuti ee HIIL-WALAAL oo heysta Mandate ka dowlada Soomaaliya, waxay soo gaari doonaa Degmada Matabaan, iyaga oo u sii gudbi doona Dhuusamareeb. Aagga koowaad oo ciidanku la wareegi doono wuxuu noqon doonaa Garoonka Ugaas Nuur.”

Dhanka kale, waxaa magaalada Dhuusamareeb goor dhowayd gaarey Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ka tirsan Booliiska ee loo yaqaanno Haramcadka.

Hadalsame Media