DAAWO: Prof. Maraykan ah oo soo bandhigay xiriir ka dhexeeya Ciidamada Kenya, kuwa A. Madoobe & Al Shabaab

0

(Davidson, NC) 30 Agoosto 2019 – Sida uu Prof. Ken Menkhaus oo ku takhasusay Culuunta Siyaasaddu uu ka jeediyay Jaamacadda Davidson College ee dalka Maraykanka waxaa jira wada shaqayn baahsan oo ka dhexeeysa Ciidamada Kenya ee KDF iyo Maliishiyaadka Raas Kaambooni oo dhinac ah iyo kooxda Al Shabaab.

Labada dhinac ayaa heshiis ku ah jarista dhirta oo inta la dhuxuleeyo deetana dibedda loo dhoofiyo taasoo ka hor imanaysa qaraarka QM ee 751 oo mamnuucaya in gebi ahaanba la dhoofiyo dhuxusha Somalia.

Mamnuucidda ayaa laga leeyahay laba ujeeddo oo ay midi tahay badbaadinta degaanka iyadoo sawir dhowaaN dhanka hawada laga qaaday uu muujinayo farqiga u dhexeeya dhirta ku taalla labada dhinac ee xad-beenaadka Somalia-Kenya, iyadoo ay masaxan tahay DHIRTII dhanka Somalia oo jaris lagu dhameeyay. Arag sawirkan.

Ujeedada kale waa in lagu cunaqabateeyo kooxda Shabaab oo kharash badani kasoo galo ganacsiga dhuxusha oo uu sanadkii ganacsiga ka hesha ugu yaraan 40m ilaa 70m oo doollar, sida uu sheegay Prof Menkhaus.

Waxay qiyaas la sameeyay sheegaysaa in 30,000 oo kiish oo dhuxul ah oo uu midkiiba qaado 25 kg maalintii laga dhoofiyo Kismaayo iyo Buur Gaabo, taasoo ka dhigan 4.5 ilaa 6 milyan oo kiish sanadkii, kuwaasoo lagu iibiyo inta u dhaxaysa 171m ilaa 228milyan oo doollar.

Halkan hoose ka daawo:


Hadalsame Media