WHO oo ka digaysa dawo been abuur ah oo ku jirta suuqyada Kenya (Iska jir dawada lambarkan leh)

0

(Nairobi) 29 Agoosto 2019 – Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa soo saartay digniin caafimaad oo ay u jeedisay dadka ku nool Kenya.

Heyadu waxa ay sheegtay in daawada qallajiyaha ama Antibiotics lagu magacaabo Augmentin oo ah qeyb ka mid ah Amoxicillin trihydrate taas oo laga isticmaalo Kenya ay tahay been abuur keeni karta halis weyn oo dhanka caafimaadka ah.

WHO waxay tilmaantay dawada wadata tirsiga 786627 dadku iska ilaaliyaan.

Qofkii isticmaala dawadan been abuurka ah ee la kulma xaalad aan caadi ahayn ayaa laga codsanayaa inuu dhaqse ula xiriiro goobaha caafimaad ee ugu dhow.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media