”Haddii ay jirto arrin aad naga hor fahamtey QAYLO hanugu fahamsiinin!”

0

(Hadalsame) 29 Agoosto 2019 – Haddaad ka mid tahay dad safar ah oo habeen meel xeeb ah seexday, oo iyagoo hurda baddii ku soo dhawaatay, oo aad adigu ugu hor toostay, ha qaylin ee tartiib dadka u toosi. Qayladu inay ka nixiso oo ay badda ku yaacaan ayaa dhici karta.

Haddaad isu qabto inaad adigu heshay hanuun diimeed oo dadku ka hurdaan, ama maanfurnaan iyo ilbaxnimo dadkii kale ka gaabiyeen, fadlan ha nagu qaylin. Inaan meel qaldan u boodno ayaa laga yaaba ee bal wax na fahamsiiya.

Xoogaa waa dhega nugul nahay, inaad naga fahmad dheerayso waa laga yaabaa ee bal ha naloo dhimriyo tol haddii la yahay.

Diyaariye: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media