DHEGEYSO: Sweden oo keentay hindise cusub oo ay Soomaali badani ka faa’iidaysan karaan

0

(Stockholm) 29 Agoosto 2019 – Hayadda hoggaanka waxbarashada dalka Sweden ee Skolverket ayaa keentay hindise cusub oo ku saabsan in fursad loo abuuro macallimiinta aan lahayn waxbarashada tooska ah ee macallinnimo oo la siiyo agab ay ku shaqeeyaan iyo waxbarasho kooban si wax lagaga qabto macallin yarida kasii daraysa ee dalka Sweden.

Waxaase durba aragtidan ka hor yimid oo dhaliilsan ururka daladda macallimiinta ee Lärarnas Riksförbund, Åsa Fahlén, oo ah guddoomiyaha dallada. ’’Waannu ka hor jeednaa arrintan, waayo waxay macallinka qaatay in yar oo taageeradan ka mid ah siinaysaa aragti ah inuu u dhaqmo sidii macallin, waxaanan ognahay inaysan arrintaasi waxba ka qabanaynin yaraantii macallimiinta sharciyadda saxda ah leh, ayay tiri.

Yeelkeede, waxaan la qabin Peter Fredriksson, agaasimaha hay’adda maamulka waxbarashada oo sharraxaya sababta ay tillaabadan u qaadeen.

’’Waxaa jira laba dhibaato oo aanu mar qura madaxa ku wada hayno, midda ugu muhiimsani waa dabcan tan ay Fahlén ka dhawaajisey oo ah in la isku dayo in la helo macallimiin leh kartida aqooneed oo ay ardaydu u baahan yihiin, balse sidoo kale waxaa na hor taalla dhibaato iyo xaqiiqooyin haatan taagan oo xal u baahan. Waxaa jira in ka badan 30 kun oo macallin oo aan lahayn sharciyaddii macallinnimo oo wax ka dhiga iskuullada Sweden, marka waa inaan taageernaa si ay shaqadooda ugu qabtaan sida ugu wanaagsan,’’ ayuu ku dooday.

Åsa Fahlén ayaa ku doodday in tillaabadani ay ishaaro khaldan siinayso ardayda oo dareemaysa inuu wax u dhigayo macallin aan lahayn aqoontii loo baahnaa, isla markaana aanay kala caddayn qaabka ay Waaxda Waxbarashada la tahay inay arrintani mira dhal ku noqon karto iyadoo wax kasta lagu samaynayo si deg deg ah, Peter Fredriksson ayaa ka jawaabaya.

’’Ma jirto koorso deg deg ah, si cad baan sidaa u leeyahay, waa agab uu macallinku taageerto maamule ahaan ama macallin ahaan, inta markaa kaddib waxbarasho macallinimo qaadan doonta way adag tahay inaan sheegno, balse sidoo kale wuxuu noqon karaa kaaliye macallin isagoo ka faa’iidaysanaya taageeradan.’’

Waxaa barnaamijkan ka faa’iidaysan kara macallimiin badan oo Soomaali ah oo horay xitaa uga soo shaqeeyay dalka Somalia iyo meelo kale, balse aan lahayn laysinka macallinnimo ee ay Sweden aqoonsan tahay, sida kuwa halkan ku barta macallinnimada ama keensada wax u dhigma oo ay Sweden aqbalsan tahay.

 

Hadalsame Media