XOG: Kulan caawa Dhuusamareeb ku dhex maraya DF Somalia iyo Ahlu Sunna

0

(Dhuusamareeb) 28 Agoosto 2019 – Kulan ayaa Dhowr cisho kadib caawa waxaa isugu imaanaya wasiirka Arimaha Guddaha XFS Sabriye, Wasiirka Amniga XFS Islow iyo Madaxa xukuumada Galmudug Sh Shaakir, waa Kulan Xasaasi ah oo Looga Hadli Doono Cabashada jirta si loo Furdaamiyo Ismari-waaga Siyaasadeed ee Deegaanka iyo Howsha Dib u Heshiisiinta oo Hakad ku jirtay mudaba.

Kulankan oo muujinaya Dabac Siyaasadeed oo ka Yimid Dhanka Dowlada ayaa ka Dhashey kulan Galabta ay wasiiradu la yeesheen Saraakiisha Amniga kaa oo wasiirada loogu sheehey Sida ay muhiimka u Tahay in Kulamada dib loo Bilabo si xaaladda loo caadiyeeyo.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa Wasiirada hor Geeyey Qodobo ay ka soo qoreen dhanka ahlusunna oo muujinaya waxa ay ka Tabanayaan dhanka Dowlada iyagoo intaa u raaciyay in tabashadaa dowladu Xal ka keento.

Xubno ka Tirsan Xafiiska Sh shaakir ayaa Noo Xaqiijiyay in Kulankan uu Muujinayo Rajo Wanaagsan.

Xaalka ayaa maanta ahaa mid ka soo raynaya maadaama kulamadii Hakadey ay dib u bilaawdeen, sida uu ogaadey weriye Candullaahi Warsame.

Hadalsame Media

Facebook Comments