WAR CUSUB: Somalia oo masraxa Qaramada Midoobay uga adkaatay Kenya

0

(New Yorka) 28 Agoosto 2019 – DF Somalia ayaa lib ku dangiigta kaddib markii ay Kenya ku guuldarraysatay qorshe ay ku doonaysay in lagu cuuryaamiyo ama lagu xalaalaysto “hantida Soomaalida” sida ay sheegtay DF Somalia.

“Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna. Waxaa jiray qaraarro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kasoo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751, kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed oo raaxiyay.

“Kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay in la cirib tiro Shabaab iyo Shabaab kalkaal.”

Agaasimaha Warfaafinta ayaa soo dhoweeyay diidmada Golaha Amaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267, kaasoo dabada ka riixaysay dowladda Kenya.

“Waan diidnay diblomaasiyadda ku dhisan “magafenimada iyo in Isbaaro caalami ah oo loo dhigto horu-socodka dowlad dhisidda Soomaaliya, fagaare walba oo caalami ah oo aan qeyb ka nahayna waan u bandhigaynaa.” Ayuu ballan qaaday Agaasimuhu.

DF Somalia ayaa amaan iyo bogaadin u jeedisey Danjiraha dalka u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa oo dadaal badan ku bixiyey hawshan.

Waloow ay waddo qaraarkan misna Kenya ayaa ku eedaysan in ay Al Shabaab ku caawiso dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo taasoo kasoo horjeedda qaraarka sare ku xusan oo kasoo baxay isla Golaha Amaanka.

Hadalsame Media