ROGAAL-CELIN: Dadwaynaha Britain oo qaaday tillaabadii 1-aad ee ay ku baajinayaan in Baarlamanka lakala diro

0

(London) 28 Agoosto 2019 – Shacabka Britain ayaa qaaday tillaabadii ugu horreeysey ee ay uga fal celinayaan qorshaha lagu xannibayo Baarlamanka dalkaasi, iyagoo bilaabay inay saxiixan codsi (petition) ay ku dalbanayaan in arrintaa laga laabto.

Codsigan oo saacado yar nus milyan ku dhaafay ayaa yimi kaddib markii uu Boris Johnson Boqoradda Britain ka codsaday inay kala dirto ama xannibto Baarlamanka min bartamaha Sebtembar ilaa 14-ka Oktoobar. Waxaa ilaa iminka saxiixay 501,000 oo qof.

‘Yaan lakala dirin Baarlamanka’

Boqoradda Britain ayaa la sheegay inay aqbashay codsiga Wasiirka Koowaad kaddib markii kulan la qaatay Gole ay la tashato (Privy Council) – kaasoo ka kooban siyaasiyiin ruug caddaa ah oo iyada la taliya – oo ay maanta kula shirtay Balmoral Estate.

Wuxuu qorshuhu yahay, in Baarlamanka lakala diro min 9 ama 12 Sebtember ilaa 14 Oktoobar, goortaasoo ay Boqoraddu ka khudbayn doonto.

RW Britain ayaa ku doodaya inuu tillaabadaa u qaaday inuu dowladdiisa siiyo xilli ay kusoo agaasinto hindisayaal sharci oo cusub, balse dadka wax dhaliila ayaa ku tilmaamay xeelad uu ku doonayo meel marinta Brexit bilaa heshiis ah. Waayo xilliga yar ee ka haray ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub ma aha mid ay xildhibaannadu sharci ku diyaarin karaan.

Boris Johnson is expected to ask the Queen to suspend Parliament
Boqoradda oo dalabka RW ogolaatay

‘Qorshe ceebaysan oo aan dimoqraadi ahayn’

Siyaasiyiinta ayaa weerar ku qaaday tillaabadan oo ugub ku ah siyaasadda casrigan ee dalka Britain. Afhayeenka Xisbiga Liberal Democrats, Tom Brake ayaa yiri: “Qorshaha Johnson waa mid aan horay loo arag, aan dimoqraadi ahayn lana aqbali karin. Fadlan saxiixa codsiga.”

Xildhibaanka xisbiga Labour-ka ee Jo Stevens ayaa yiri: “Haddaad ka caraysan tahay dimoqraadiyaddda la xannibay, fadlan saxiix.”

Codsi kasta oo loo diro webabka Dowladda iyo Baarlamanka UK oo gaaraya 10,000 oo saxiix waxaa khasab ah in laga soo jawaabo, haddii uu 100,000 gaarana waa in ay xildhibaannadu ka doodaan.

Hadalsame Media