(Dhuusamareeb) 28 Agoosto 2019 – Shir wakhti badan qaatay oo galabta illaa caawa magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Inji uga socda hoggaanka Ahlusunna ayaa soo idlaaday waxaana ka soo baxay sidaan:
1 – In Hoggaamiya Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan uu tanaasulay.
2 – In Arrimaha socda iyo dhismaha maamulka Galmudug uu Ahl-usunna wakiil uga yahay Sheikh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-ashcari.
3 – In ammaanka magaalada aan lagu gorgortamin oo markasta la ilaaliyo nabad-galyada.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-sunna
Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.
Madaxa Fulinta Ahlu-sunna Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-Ashcari iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, sida uu ku warramayo Maxamed Cabdi oo aannu xogta ka helnay.
Waxaa sidoo kale jira kulan kale oo u socoda Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Sheekh Shaakir arrinta dowladda iyo kooxda Ahlu-sunna looga hadlaayo waqti xaadirkan.
Hadalsame Media