DEG DEG: Alexis Sanchez oo kasoo degey garoonka dayuuradaha Milano (Daawo)

0

(Milano) 28 Agoosto 2019 – Waxaa dhowr daqiiqadood kahor gegada Malpensa ee Milano kasoo degey laacibka Alexis Sanchez oo ay soo qaadatay kooxda Inter Milan.

Laacibka ayaa soo degey 16.20 xilliga maxalliga ah ee Milano, iyadoo ay laacibka reer Chile ay xiise kusoo dhoweeyeen taageerayaal xamaasadaysan oo reer Inter ah oo kusoo dhoweeyay dunida Nerazzurri.

Laacibka ayaa muddo gaaban u gacan haadiyay taageerayaasha kahor intaanu raacin gaari uu naadigiisa cusubi usoo diray.

Laacibkan oo aan Talyaaniga ku cusbayn maadaama uu Udinese usoo ciyaaray, ayaa caafimaadka mari doona kahor intaanu kooxdiisa La Jecleey ama  Beneamata u saxiixin qandaraas hal sanad ah oo taxnaan doona ilaa 30 Juun 2020.

Hadalsame Media