”Ninkaygu wuxuu iga raacay Ilhaan Cumar!” – Dokumentiyo furriin dalab ah oo la helay + Muuqaal & Sawirro

0

(Washington, DC) 27 Agoosto 2019 – Xaaska nin kaaliye ah oo la shaqeeya Xildhibaanadda Ilhaan Omar ayaa lagu eedeeyay inuu xaaskiisii uga dal doorsaday Ilhaan, sida ku cad waraaqo furriin dalab ah oo ay warbaahintu haatan heshay.

Jordan Mynett, 55 jir, ayaa ninkeeda Tim Mynet, 38 jir, ku eedaysey inuu ka tegey isagoo haatan jacayl kala dhexeeyo Ms Cumar, 37 jir, oo uu u sheegay inuu ”jecel yahay.”

Waxay xaaskiisu ku doodaysaa inuu xitaa wiilkooda 13-jirka ah kexeeyay si uu isna u barto Ilhaan oo ay ku kulmeen meel makhaayad ah, xilli aysan hooyadii ka warqabin, maalmo yar uun kahor intii aanu u sheegin in uu xiriirkoodii dhamaaday.

Dokumentiyada furriinka ayaa lasoo galeeyay 2 todobaad kahor, kaddib markii uu DailyMail.com kashifay inay isku ”cindan yihiin” Mynett iyo Ilhaan oo aad iskugu dhowaa tan iyo bishii Maarso ee sanadkan, iyagoo lagu arkay makhaayad khaas ah oo Talyaani leeyahay oo ku taalla Los Angeles, xilligaasoo uu Daily Mail sheegay inay gacmaha is haysteen.

Mynett ayaa la sheegay inuu xaaskiisa bishii Abriil 7-deedii ku war geliyay inuu ka dal doorsaday oo uu xiriir gaamuray oo ‘jacayl la walwaalayo’ Ilhaan Cumar oo lafteedu xaas ahayd, waloow kaddib uu isla Daily Mail sheegay inay ninkeedii kala tageen, iyadu kama hadlin arrintaas.

Sawirro la qaaday ayaa muujinaya Mynett iyo Cumar oo si joogto ah isula socda, iyagoo isula safray magaalooyinka Los Angeles, New York City, Austin ilaa Seattle. Mynett ayaa xitaa la kulmay gabadha Ilhaan ee Isra, 16-jir, oo ah gayfane bulsho oo la isku arkay muddo 2 jeer ah ugu yaraan, ugu dambayn bishii Luulyo.

Warqaadka DailyMail.com ayaa sheegay in bishii Luulyo ay kala tageen Ilhaan Cumar iyo odaygeedii Axmed Xirsi oo ah nin bangaariyo ah, isla markaana ay Ilhaan u dhashay 3 carruur ah.

Hadalsame Media