Marka aad warbixintan akhriso way adkaanaysaa inaad sii isticmaasho BLUETOOTH dambe + Muuqaal & Sawirro

0

(Las Vegas, NV) 27 Agoosto 2019 – Waxaad ku dhaaran lahayd in aanad dib dambe u abid u adeegsan doonin dheg xarig la’aan ah oo aad dib ugu laabanayso midka xarigga leh, marka aad ogaato cillada caafimaad ee tiknolojiyadda  Bluetooth. Waa tan sababtu.

Marka uu Bluetooth-ku daaran yahay, wuxuu qofka ku isticmaalaya aaladaha telefoonnada cusub (smart), kombiyuutarrada, tablet-yada iyo aaladaha kale u nuglaynayaan arrimo badan oo ka dhan ah khusuusiyaadkooda sida in xogahaaga lagula wadaago ama lagaa daadsado iyo amaankooda – iyo dhibaato kasoo gaarta dhanka maqalka, xusuusta oo lunta iwm.

Difaaca 1-aad ee aad geli kartaa waa adigoo iska damiya marka aanad wax ku isticmaalaynin, taasoo aan ahayn badbaado hubban, balse ilaa xad ku siinaysa amaan.

Burcad danabeedka (Hackers), ayaa awood u leh inay ka faa’iidaystaan cid kasta oo furta Bluetooth-ka, iyagoo u dhici kara xogohooda, lacagahana ka daadsan kara telefoonnada ay aaladani u furan tahay, sida uu qoray warqaadka PC Magazine.

Waxaa kaba sii daran in aaladaha ku shaqeeya Bluetooth loo bedeli karo hub adiga ku dilaya iyadoo loo adeegsan karo weerarka loo yaqaanno sonic attack oo ah in jabaq ka badan inta decibel ee aad xamili karto lagugu dhega tiro, taasoo xitaa wax u dhimaysa xusuusta qofka.

Cilmi baare la yiraahdo Matt Wixey ayaa isagoo ka qayb qaadanaya shirkii DefCon ee Las Vegas wuxuu daboolka ka rogey sanadkan sida uu virus-ka internet-ku uga faa’iidaysan karo ‘meelaha jilacsan’ ee agabyada ku shaqeeya aaladda Bluetooth, si dhib loogu gaysto dadka isticmaalaya.

Waxaa kale oo ay aaladdani keeni kartaa cudurro ka dhasha kaah-falka sida Kansarka, maadaama uu qofku u ban baxayo saaxad danabaysan oo ka badan midda marka aanu Bluetooth-ku shaqaynayn.

Hadalsame Media