DHEGEYSO: Xaafad ay Soomaalidu u badan tahay oo xalay lagu kala cararay!

0

(Stockholm) 27 Agoosto 2019 – Ku dhowaad 100 qofood ayaa laga daad gureeyay guryohooda kaddib markii uu dab ka kacay xaafad la deggan yahay oo ka tirsan Rinkeby habeenkii xalaytoole. Qaar badan oo deganayaasha ka tirsan ayaa la geeyay iskuul goobta ka dhow.

Dabka ayaa ka bilaabmay qol dhar dhaqaal ah iyo mid shirarka lagu qabto oo ku yaalla xaafadda Rinkeby oo dhacda Woqooyi Galbeed Stockholm, iyadoo uu dhismuhu gebi ahaanba bas beelay.

Farriinta dhiillada leh ayaa soo dhacday xalay saqdii dhexe kaddib abbaarihii 1-dii habeennimo, iyadoo mar qura ay qaac iyo uuro ku butaaceen hawada woqooyi galbeed Stockholm iyadoo laga arkayay ilaa Sollentuna, waxaa sababta ay dhismaha u badbaadin waayeen ka warramaya Ulf Thålén, oo ah madaxa howlgallada ee xarunta Gurmadka Stockholm.

‘’Waxaa ugu wacan inaynaan gudaha geli Karin iminka oo aynaan waxba damin Karin, waayo horraanba holucu wuu wada qaatay dhismaha markii aan imanaynay, ayuu yiri Thålén.

Waxaa goobta yimid ilaa 50 dab damis, wiishash iyo gaadiidka bukaan la roorka, iyadoo lagu dadaalayo in aan dabku ku faafin dhismayaasha kale ee dhow, waxaa guryaha gubtey laga qaaday saqafkii, sida uu Ulf Thålén u sheegay Ola Gäverth oo ka tirsan P4 Stockholm.

Abbaarihii 08:00 subaxnimo ee saaka ayaa dadkii goobta degganaa loo fasaxay inay soo laabtaan, mana jirto cid wax ku noqotay dabkaasi. Ilaa haatan lama sheegin sababta uu dabkani u bilowday, iyadoo ay booliisku bilaabeen baaritaan horudhac ah.

 

Hadalsame Media