DHEGEYSO: Haweenay sidata ilmo 2 bilood jir ah oo la diley & weriyihii Iiraaniga ahaa ee baxsaday oo hadlay + War kale

0

(Malmö) 27 Agoosto 2019 – Haweenay ku jirta da’da 30-ka oo weliba ilmo yar oo 2-bilood jir ah ayaa dhimatay kaddib markii lagu rasaaseeyay xaafadda Ribersborg ee magaalada Malmö shalay subaxnimadii. Haweenayda ayaa la sheegay in ay ninkeeda xilligaa la socotey, lamana hubo in isaga loo socdey iyo in kale.

Waxay ahayd barqadii 10-kii subaxnimo markii booliiska loo diray farriin dhiilla leh. Laba qofood oo kale ayaa isbitaalka loo qaaday, waloow ay booliisku markii dambe sheegeen in aanay dhaawac ahayn.

Weli qofna looma qaban shilkan, balse booliiska ayaa wada baaritaanno kala duwan, sida uu sheegayo Calle Persson, oo ah afhayeenka Booliiska gobolka Skåne. ”Hadda waxaan dhihi karnaa inaan baaritaan ku wadno is barbardhigga marqaatiyada la hayo iyo cidda dembigan lagu tuhmayo.”

Booliisku waxay sheegeen in gacanta ku dhigeen hub la tuhunsan yahay in dilka loo adeegsadey.

…………………………………………

Waxaa gacanta lagu dhigay nin loo haysto inuu si kas ah u gubey guryo ku yaalla xaafadda Husby oo ku taalla afaafka Stockholm. Dabka ayaa ka bilowday qaybta jaranjarada, waxayna booliisku haatan baaris ku bilaabeen in ninkan sidoo kale lala xiriirin karo dabab kale oo dhowaanahanba ka kacayay isla Husby, sida ay sheegtay Anna Westberg, oo ah afhayeenka Booliiska Stockholm, oo la hadashay wakaalad wareedka TT.

Ilaa 10 dab oo kala duwan ayaa lagasoo sheegay degaanka Husby labadadii todobaad ee tegey, waloow aanay cidina waxba ku noqonin, iyadoo ay Booliisku qabaan in xirista ninkani ay xarig furi karto hal-xiraalaha taagan.

…………………………………………

Waaxda Socdaalka ayaa u xaqiijisay laanta wararka Ekot in suxufi Iiraani ah oo la socdey wefdigii uu hor kacayay Wasiir Dibadeedka Iiraan, Javad Zarif uu Sweden ka codsaday magangelyo.

Maalintii arbacada ee bisha agoosto ahayd 21 ayaan khiyaamay saraakiishii sir doonka Iiraan ee howshoodu ahayd iney saxafiyiintayada ilaaliyaan, anigoo ku guuleeystay inaan ka baxsado. Waxaan taksi u qaatay xarunta Booliiska una sheegay cidda aan ahay. Waxay ii muujiyeen qiimayn waxayna i geeyeen Waaxda Socdaalka si aan magangelyo uga dalbado.

Axaddii shalay ayaa barta internet-ka lagu soo daabacay wareeysi ay suxufiga la yeelatay idaacadda VOA laanteeda afka beershiga. Halkaasoo uu kaga warbixiyay sida uu uga baxsaday wefdiga oo ay si adag u ilaalineyeen ciidammada nabad sugidda dalka Iiraan.

 

Hadalsame Media