”Xukunkii shalay ka dhacay Dhuusamareeb wuxuu ahaa xukun gurracan oo caddaaladda iyo dadnimada ka fog” + Video

0

(Hadalsame) 25 Agoosto 2019 – Xukunkii shalay ka dhacay Dhuusamareeb wuxuu ahaa xukun gurracan oo caddaaladda iyo dadnimada ka fog. Xukun lagu lala-boodo.

Labo nin oo gabar yar oo ardayad ahayd kufsaday ayaa rag waa wayn oo culumo iyo maamulayaal sheegayaa ku xukumeen 100 xajafin ah oo xattaa cunug 2 jir ah ciid u cunay uusan ku xanuunsadeen.

Waa tusaale kale oo na tusayay waxa dalkeenna ka khaldan iyo sida markii waxmagaradkii xaakim noqday ummaddii dugaag, dulin iyo mooryaan uga adeegtay.

Haddii ummadda ku nool Dhuusamarreeb iyo Guriceel ka dhiidhin waayaan xukunkaas gabadha Soomaaliyeed ee miskiinta ah ku gaboodfalay wallee waa taariikhxumo dadka loo kaydinayo.

Cadaaladna heli mayno inta aynaan ogolayn inaan samayno marka ay annaga nagu taagan tahay.

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media