Saxaafadu ma adeegsan kartaa xogta iyo sawirada ay dadku soo dhigaan baraha bulshada?!!

0

(Hadalsame) 25 Agoosto 2019 – Saxaafadu ma adeegsan kartaa xogta iyo sawirada ay dadku soo dhigaan baraha bulshada?

Waa su’aal ay aad uga doodeen culimada saxaafada,qareenada iyo dadka u dooda xuquuqda aadnaha waxaana badankood ay sheegeen in saxaafadu adeegsan karto hadii qofku ii isagu soo dhigo public oo aanu u sameyn privacy setting.

Heyada Ipso oo inta badan ilaalisa sharciyada Jaraa’idka UK waxaa ay sheegtay in xogta qaar aan la daabici karin xitaa hadii uu qofku public ka dhigo waxaana ka mid ah.

1. Xogta qofka ee la xiriirta arimaha caafimaadkiisa
2. Hadii ay ku saabsantahay arimo caruur la xiriirta.

Inta badan saxaafada marka ay wax dhacaan waxay aragtida dadka ka qaataan baraha bulshada iyaga oo screen shot ka qaada balse hadii aragtida qaar ay faafineyso naceyb ama wax xadgudub ku ah anshaxa saxaafada lama qaadan karo.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media