Qofku marka uu XIL qabto muxuu u soo XUMAADAA?!! (Akhri geeddi-socodkan)

0

(Hadalsame) 25 Agoost 2019 – Madaxda xun xaggee ka yimaadaan. Waa aniga iyo adiga oo fursad iyo awood helay. Xanuunno hadda nagu qarsoon ayaa nagu dillaacaya. Dadkii ayaa si kale noogu muuqanaya. Way kula yaryaraanayaan.

Markaad maalmo shaqayso, ayaad u qaadanaysaa in guulaha dawladdu yihiin magacyo aad adigu leedahay. Kursiga ka deg waxay kuula micne noqonaysaa waddanku ha baaba’o.

Qofkii wax kaa sheega waa qof guulaha iyo waddaninimada ka soo hor jeeda. Sow waxaad samaynayso oo dhan maaha wanaaggii dalka, marka yaa kaloo ku nici kara oo aan ahayn qof waddanka neceb.

Hantida guud adiga la’aantaa miyey soo xeroon lahayd. Sow qolyaha maaliyaddu kuuma sheegin in markaad timi dakhligu 23.2% kor u kacay, marka inaad wax yar oo 3.4% ah leexsato maxaa ku jaban. Reerkii iyo carruurtii aad waqtigoodii ka qaadatay oo aad waddanka kaga mashquushay, miyaanay ugu yaraan guri yar oo Dubai ama Qaahira ku yaal waddanka ku lahayn.

Waxaa kugu kordhaya awood aad keligaa ku dareento maslaxadda guud iyo meesha laga doono iyo dadka hor taagan. Dadka su’aalaha ka keena waxa aad dareenkaas ku ogaatay, waa dad qorraxda inay gacan ku qariyaan raba.

Laba bilood ka dib marka xukunka lagaa qaado, mise waxaad tahay ina hebelkii waagii tusbaxa watey. Xaaladdii xanuunka qarsoon kaa soo saartay waa dhammaatay.

FG: Waa jiraan in yar oo dadnimo dheeraad ah u dhalatay oo aan is bedelin, balse aad iyo aad bay u yar yihiin.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media