DHEGEYSO: ”2 sano & 5 Taliye ciidan wax soconaya maahee madaxdu sidaa haka daayaan!” – Jen. Indha Qarshe

0

(Muqdisho) 25 Agoosto 2019 – Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, oo todobaadkan markii 2-aad ay xilkii ka qaadday DF Somalia, ayaa waraysi siiyay idaacadda VOA.

Jen. Indha Qarshe ayaa sheegay in uu keenay kaarto Ciidamada DF ay gacanta ugu dhigeen 5 buundo oo lagaga soo tallaabo webiga Shabeelle marka loosoo socdo magaalada Muqdisho kuwaasoo kala ah: Buundooyinka Afgooye, Balcad, Jannaale, Caanoole, Bariirre & Awdheegle iyo Mubaarak, kuwaasoo ay 4 ka mid ah iminka gacanta ku hayaan, marka laga reebo midda Jannaale.

Wuxuu aad Jeneraalku u amaanay hab-raaca ciidamada, isagoo sheegay inuu sidoo kale dejiyay qorshe cusub oo ku dhisan in la sameeyo ciidamo Soomaaliyeed oo aan kaliya wax weerarine sidoo kale haysan kara meesha ay qabsadaan.

Jen. Indha Qarshe ayaa dhanka kale ka hadlay xil ka qaadistiisa, isagoo sheegay in isbeddelku uu muujinayo dowladnimo, balse wuxuu tusmeeyay in loo baahan yahay xasillooni.

”2 sano iyo bar iyo 5 taliye ciidan sax ma aha, MW, RW iyo Wasiirka Gaashaandhigga waxaan kula talinayaa in Odawaa waqti la siiyo.” ayuu yiri Jen. Indha Qarshe oo sheegay inay taasi keeni karto in qofku si deggan u howlgalo lagulana xisaabtamo.

”Madaxwaynuhu sidaas haka daayo!” ayuu daba dhigay. Hoos ka dhegeyso.

Hadalsame Media