DF Somalia oo ciidamo dheeraad ah gaystey magaalada Dhuusamareeeb & shir halkaa ka furmaya

0

(Dhuusamareeb) 25 Agoosto 2019 – Wararka Hadalsame kasoo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya inay halkaa gaareen Ciidamo kale oo ka tirsan Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa lagu soo xoojiyay Ciidamadii horay u ilaalinaya amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb sida aanu ka soo xiganey dad goobjoog ah oo uu ka mid yahay weriye Cabdullaahi W. Rooble oo la hadlay madaxda Garoonka.

Tilaabadan ayaa imanaysa saacado uun kohor xili la filayo imaatinka wufuud ka socota Dowlada Somalia ooo Dhuusamareeb u imaaneysa furitaanka shirka bib u heshiisiinta Galmudug oo dhowaan furmaya.

Hadalsame Media