DEG DEG: Ciidamada DF Somalia oo Shabaab kala wareegay magaalo kale oo muhim ah!

0

(Buule Burde) 25 Agoosto 2019 – Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ayaa kooxda Al Shabaab kala wareegey magaalo muhim u ahayd kooxdaasi oo ku taalla gobolka Hiiraan.

Xoogga Dalka ayaa gacanta ku dhigay xarun ugu taalley magaalada Buurweyn oo qiyaastii 25-KM koonfur kaga beegan magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Somalia.

Magaalada Buurwayn ayaa Al-Shabaab u ahayd goob muhiim u ahayd oo ay lacago dadka uga qaadi jireen.

Ciidamada Xoogga Dalka oo aysan wehlin AMISOM, ayaa bilihii dambe dhulal badan kala wareegayay kooxda Al Shabaab, waloow ay weli dhul ballaaran ka taliso.

Hadalsame Media