DAAWO: ”Jawaab ayaan ka bixinaynaa!” – RW Lubnaan oo ka hadlay daroonno ay Israel leedahay oo ay ka harsan la’dahay Bayruut + Sawirro

0

(Bayruut) 25 Agoosto 2019 – Laba daroon oo nooca is wada ah oo ay leeyihiin Ciidamada Yuhuudda ayaa kusoo dhacay caasimadda Lubnaan ee Bayruut, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Koowaad ee dalkaasi Sacad Xariiri.

Warkan ayaa xigaya mid kasii horreeyay oo sheegayay in ciidamada Cirka Israel ay ‘daroonno is miidaamis ah’ la eegteen goobo ay joogaan ciidamada Hezbollah oo ku yaalla Bayruut.

Duullimaadka dayuuradaha daroonka ee Israel “waa weerar furan oo lagu soo qaaday madax bannaanida Lubnaan” waana mid ka dhan ah qaraarkii QM ee 1701, kaasoo lagu soo afjaray dagaalkii Israel-Lebanon ee 2006-dii sida uu sheegay Xariiri oo mar dhowayd hadlayay, saacado uun kaddib markii uu shilkani ka dhacay Bayruut.

Xariiri ayaa weerarradan ay Yuhuuddu daroonnada u adeegsanayso ku tilmaamay “halis ka dhan ah amaanka gobolka iyo ujeeddo gurracan oo lagu kordhinayo xiisadda iminkaba taagan.”

Wuxuu RW Lubnaan sheegay in Israel ay iminka dayuurado badan soo gelisey hawada magaalada Bayruut iyo hareereheeda, isagoo sheegay inuu la tashanayo MW Lubnaan Michel Coown, si ay uga arrinsadaan ka hor tegidda wax uu ku sheegay “dulmiga cusub ee Yuhuudda.”

Ciidamada Cirka Israel ayaa si kajan ah wax duqaynaya iskaga dhigay magaalada Sidon ee dalka Lubnaan, wax yar uun kaddib markii ay duqeeyeen magaalada Dimishiq ee Suuriya, iyagoo ku doodaya inay ”bartilmaameedsanayaan” “xarumo ay Iiraan ku leedahay” halkaasi.


Hadalsame Media