”BAAHI darteed ayuu raashin qof cunayay u DAFAY!” – Arrin murugo leh oo saaka Muqdisho ka dhacday!

0

(MuqdishO) 25 Agoosto 2019 – Baahida Marka Meel sare gaarto wax waliba Filo waxaa Maqli jirey Hebel Baahi Darteed buu Digsi Dab Saaran u Dafey

Saakey waxaa Tree Biano ee Wadada Makka Al Mukarama indhaheyga qabteen nin Dhalinyaro oo la aryanayo oo Gacanta Xoogaa Raashin ku wata,
Ninkii eryanayey ayaa weydiiney Sababta uu u eryanayo wuxuu yiri

“Makhaayadaas ayuu Qof Raashin loo keeney ka soo Dafey marka sidaa ayaan u eryanayey.” ayuu yiri Kabalyeeriga oo Ka Muuqatey Neef Tuur iyo Dhidid markii uu ii waramayey

Dhacdaas markaan arkey waxaa ii soo baxdey in Dad badan ay Xaalad adag maanta ku jiraan oo Suurtagal tahay in dad badan Baahi u dhintaan

Dhinaca kale Ganacsatada Muqdisho waxaa Moodaa lax Dhukan Abaar Moog waxay ku Howlan yihiin isugu faanida Daaro Dhaadheer oo aan la ogeyn Cida degi doonta sidaa darteed iska laba Canley Beri waa lagu weydiin doonaa ninkaas Dhalinyarada ee ku Qasabtey in uu Baahi Darteed uu raashin u Dafo

Sidoo kale Ninkaas Dhalinyarada ah markaa ka soo tago waxaa Aaminsanahay in dhacdadaan ay Tusaale u tahay in dad badan Maanta Afkii iyo Gacantii isla waayeen marka waxaa leeyahay Madaxda Dowladda in Aakhiro la idiin weydiin Doono Dhibaatada Shacabka Haysto maadaama aad Madax u sheegateen.

Waxaa Diyaariyay: Amiin Y Khasaaro oo goobjoog ahaa

Hadalsame Media