Wiilkii reer Burco ee JACAYLKU jarribay & jacdii uu kala kulmay! (Qiso dhab ah)

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2019 – Saaxibkey reer Burco ah ayaan habeen dhexdaas ah sheekeysannay, arrimo Jacayl ayaan soo hadal qaadnay. Waxaan kula kaftamay in magaalada Burco ku jirto meelaha lagu ”daacayadeeyo in jacaylka la isku caayo.”

Wuxuu yiri ”aniga kan igu dhacay keliya ayaan kaaga sheekeynayaa, ee bal markaas adigu go’aan gaar.”

Wuxuu yiri ”iskuulka markaan dhigan jiray ayuu wiil beddel kasoo qaatay iskuul kale, deeto iskulkeenna ayuu kusoo biiray, kaddibna isku fasal ayaan noqonnay, waana saaxiibnay. Bil kaddib ayay haddana gabari kasoo badalatay iskuulkii uu wiilku ka yimid, iyadiina fasalkeenna ayaa lagu soo daray.

”Anigu gabadhii ayaan jacayl xad dhaaf ah u qaaday, waxaan xitaa gaarey heer aan lacagta aniga la ii siiyo xilliga biririfta (lacagta Break-ga) aan iyada wax ugu soo gado, oo aan fasalka ugu keeno, waxaan gaarey heer meesha ay istaagto aan la iga waayin, haddey maqan tahay anna aan ka baxo fasalka, laakiin intaas oo dhan kuma aanan guulaysan inaan hanto.

”Muddo markii aan wax weliba samaynayey, wax guul ahna aanan weli gaarin ayaan maalin ciid ah gabadhii suuqa isku aragnay, kaddibna warqad ayey ii dhiibtey. Warqaddii ayaan akhriyey markaan gurigayga tegey.

Waxay igu tiri ”ninyohow aniga iyo adigu waan isku lunsan nahay, anigu iskuulka waxbarasho uma imaanin, ee wiilka hebel ah, ee aad isku kursiga tihiin, ee iskuulkaas kasoo beddeshey ayaan jeclahay.

”Dartiis ayaan usoo beddeshay aniguna, oo aan iskuulkanba u imid, ee iskuulkaygii hore ayaaba u dhaw xaafaddeenna, kumana guuleeysan oo isaguna aniguu baxsad iga yahay, marka iga raalli ahaw, kama quusan doono wiilkaas, haddaad axsaan ii faleyso fadlan igu caawi inaan helo saaxibkaa, haddii kale adigu culeys cusub ha igu noqon. Mahadsanid”

Waxaa Qoray: Maxamed Royal

Hadalsame Media