Beesha Caalamka oo digniin kale kasoo saartay doorashada Jubbaland (War Saxaafadeed)

0

(Kismaayo) 22 Agoosto 2019 – Beesha caalamka, gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha Somalia ayaa markale war ka soo saaray doorashada ee lagu muransan yahay ee madaxtinimada Jubbaland ee maanta la filayo inay ku qabsoonto magaalada Kismaayo, iyadoo ay dhici karto laba doorasho.

Beesha caalamka ayaa dhinacyada ku boorrisey inay is xakameeyaan oo markasta isku dayaan sidii lagu gaari lahaa tanaasul iyo xal waara, si loo qabto doorasho wax ku ool ah.

Warkan oo ay soo wada saareen dalalka: Canada, Ethiopia, European Union, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, UK, Maraykanka, AMISOM, IGAD iyo Qaramada Midoobay, wuxuu u dhignaa sidatan:

 

”Iyada oo loo danaynayo xoojinta xasilloonida iyo dhowrista midnimada ka dhex jirta bulshooyinka Jubaland, jaalka caalamiga ah ee Somalia waxay dhinacyada oo dhan ku dhiirrigeliyaan inay heshiis ka gaaraan hal geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, si cadaalad iyo nabad ahna ku qabsoonta.”

”Waxaan ka walaacsanahay maqnaanshaha heshiis noocaas ah iyo  suuragalnimada degganaan la’aanta iyo kala qaybsanaanta ka jirta Jubaland ay si weyn u kordhayso.

”Kahor doorashada la qorsheeyay 22ka Agoosto 2019, waxaan ugu baaqeynaa dhamaan daneeyayaasha in ay ka fogaadaan ficil kasta oo sababi kara rabshado.

”Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada AMISOM ay ku abuureyso deegaan aamin ah oo ka jira Jubbooyinka, waxaanan dhiirigelineynaa isku xirnaanta ciidamada dhulka jooga. Waxaan ku boorineynaa dhammaan daneeyayaasha in ay la shaqeeyaan hanaan dowladnimo.

”Joogtaynta nabadda iyo xasilloonida Jubaland ayaa muhiim u ah oo keliya dadka dowlad-goboleedkan Federaalka ah laakiin sidoo kale waa in la suuro galiyaa horumar dheeraad ah oo ahmiyadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.” ayaa lagu soo koobay warkan kasoo baxay Beesha Caalamka.

Hadalsame Media