AAYAHA JUBBALAND IYO ODOROSKEYGA: Shan arrimood oo dhici kara!

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2019 – Berri sida loo badinayo, haddii aysan Caawa wax is beddelin, waxaa Magaalada Kismaayo ka dhici doonta Doorasho ay ku wada muransanyihiin Soomaalida dhexdeeda iyo xataa Dowlado shisheeye.

Waxay dadku guud ahaan filayaan Magaalada Kismaayo oo labo Madaxweyne leh, midkood xoog badanyahay oo laga yaabo inuu kan kale muquuniyoo uu meesha ka saaro.

Waxaa la iska sii ogyahay in Axmed Maxamed Islaam oo Madoobe lagu naaneyso uu ku guuleysan doono mid ka mid ah Doorashooyinka wada musuqa ah ee Kismaayo ka dhacaya.

Awoodda sanooyinka dugsaneysa ee uu Magaalada ku leeyahay iyo taageerada aan qarsooneyn ee uu ka helayo Dowladda Kenya darteed, Axmed Berri waa dooranyahay meel ay tabari gaarsiisaba.

Waxaan dhageystay hadaladii ay Shirkii Golaha amaanka ee Qaramada midoobay maanta ka jeediyeen dhamaan Wakiilada Dowladaha 15 ka ah oo lagu daray Wakiilka Soomaaliya oo iyada arrinteeda uun shirka looga hadlayey.

Waxay Xubnuhu guud ahaan ku taliyeen in Soomaalidu dhexdeeda Heshiis ka gaarto doorashada ayna lama dhaafaan tahay inay noqoto mid loo dhanyahay oo si xor iyo xalaal ah ku dhacda.

Waxay ka digayeen cawaaqibka cabsida leh ee ay Doorashada lagu muransanyahay ee Kismaayo ku reebi karto guud ahaan Hannaanka Doorashooyin xalaal ah oo Soomaliya ka qabsooma 2020/21 ka.

Si gaar ah, Wakiilka dalka Jarmalka u jooga Golaha ammaanku wuxuu muujiyey walaaciisa gaarka ah ee uu ka qabo Kismaayo iyo Berri, isaga oo sheegay inaysan wanaagsaneyn haddii aysan illaa Caawa wax is beddelin.

Sidaas oo kale, Amb.Abuukar Baalle oo Soomaliya u fadhiya Qaramada midoobay ayaa isaguna tilmaamay Khatarta Doorashada uu mid musuq maasuq ah ku tilmaamay ee berri oo Khamiis ah ka dhaceysa Kismaayo.

Wuxuu Eed dusha ugu tuuray Dowlado uusan carrab-dhebin balse la ogyahay inuu ula jeeday Kenya oo aan iyadu Faragalinteeda qarsan, markii ay shalay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalkaasi khilaaftay warkii uu soo saaray James Swan oo UNKa Soomaaliya wakiil uga ah ayna ku eedeysay inuu kaliya si gooni ah ula tashaday Dowladda Itoobiya oo qudheedu faragalin ciidan inay Kismaayo ku sameyso isku dayday todobaadkan, laakiin ku fashilantay iyada ku socota talada Mqdaxweyne Farmaajo.

MUSTAQBALKA AXMED MADOOBE.

Marka sida qorshuhu yahay uu berri ku guuleysto Doorasho uu isagu gacantiisa ku diyaarsaday, doorasho natiijadeeda aysan aqoonsan doonin Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamku, muxuu yahay Mustaqbalka Axmed Madoobe.?

Waxaa la hubaa inaysan Caalamku aqoonsan karin, taageerina karin wax ay diiddantahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, marka laga reebo Dowladda Kenya oo iyadu si cad u taageeri doonta dib u doorashada Axmed oo ay oyaduna shalay u qabatay Magaalada Kismaayo.

Waxay ila tahay inay xaaladdu noqon karto sidan:.

1 – Dowladda Federaalka oo doorashada ka dib ku dhawaaqda inaysan aqoonsaneyn natiijada iyo Madaxtinimada Axmed Madoobe, kuna baaqda dib u heshiisiin guud iyo doorasho xalaal iyo xor ah, haddii ay weydo midda ay iyadu rabto ee ah inay meesha keento Madaxweyne ay iyadu wadato.

2 – Beesha caalamku sida Dowladda Feseraalka iyadu ma cambaareyn doonto, mana taageeri doonto Natiijada doorashada Axmed Madoobe,
Waxayse ku gaabsan doontaa in la dhowro mabaa’diida ah Doorasho dimuqaraadi ah,, xor ah loona dhanyahay.

3 – Dowladda Federaalku waxay qaadi doontaa Olole ka dhan ah Axmed Madoobe, waxayna adduunka ugu sawiri doontaa Qabqable dagaal oo xasilloonida siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Soomaaliya iyo waliba Doorashada heer federaal ee dhici doonta 2021 ka halis ku ah.

4 – Waxay caalamka ka gadi doontaa muhiimadda ay leedahay in Axmed Madoobe tallaabo adag laga qaado, waxaana tallaabooyinkaas aan filayo ka mid noqon kara. In siyaasad ahaan la go’doomiyo, Safarada dibadda laga xayiro. Inaan fursad loo siin la xiriirka Safaaradaha Dowladaha muhiimka ah ee jooga Nairobi, halkaasoo noqon doonta meesha ugu muhiimsan ee uu Axmed safarro ku tagi doono.

Waxaa dhici karta inuu sidoo kale booqdo Magaalada Dubai maadaama labadan magaalo ay xurguf diblomaasiyadeedi kala dhaxeeyso Muqdisho.

5 – waxaa dhici kara in marka Doorashada 2021 soo dhowaato uu tanaasul ka yimaado dhinaca Dowladda Federaalka markaasna ay gorgortan la gasho Axmed Madoobe iyad oo aqoonsiga Axmed Madoobe lagu baddalan Taageero uu u fidiyo Murashaxiinta Nabad iyo Nolol midki loo garto inuu Kooxda u tartamo.

Waxaa qoray: Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero)

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media