Taliyaha AMISOM oo tegitaankiisa Kismaayo shuruud lagu xirey & AMISOM oo sii micne beelaysa haddaan laga gaarin!

0

(Kismaayo) 20 Agoosto 2019 – Taliyaha ciidamada Amisom oo ah sarkaal Sare oo ciidamada Itoobiya oo Ka dalbaday Madaxwayne Axmed Madoobe in uu Ka soo dago garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaas oo ay ilaa shalay Ku go’ anyihiin garoonka Tangiyo iyo baabuurta dagaalka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Taliyaha laga ogolaaday in uu yimaado garoonka balse shuruud looga dhigay in uu soo qaato mid Ka mid ah diyaaradaha rayidka ee UN Ka

Garoonka Sayid Maxamed ee Kismaayo ayaa shalay waxaa soo caga dhigatay diyaarad la sheegay in ay hub waday sida uu ii xaqiijiyay sarkala Sare oo diiday in magaciisa la shaaciyo sababo nabadgalyo awgeed, waxaa kale oo diyaaradaasi saarnaa sadex ruux.

Warka ayaa waxaa kale oo ay sheegayaan in Madaxwayne Axmed Madoobe shalay laga soo wacay Addis Ababa kadib looga digay in uu doorasho qabto, iyadoo Axmed Madoobana dhagaha Ka furaystay.

Laba diyaaradood oo ay ciidamo saaran yihiin kana soo kacay Garoonka Baydhaba ayaa la sheegay in ay rabeen in ay xoog Ku soo degaan, iyagoo diiday sida la ii sheegay baaqyo ay u direen saraakiisha qaybta aviation Ka oo ahaa in aanay soo dagi karin, markaa ayay ciidama Jubbaland iyo Kuwa Kenya go’ aan Ku gaareen in ay gaadiidka dagaalka dhigaan garoonka gudihiisa.

Taliyaha Ciidamada Amisom ayaan la ogayn waxà uu halkaas la tagayo maanta, balse sida wararku sheegayaan waxba kama badali doonto qorshaha doorashada 22 Ka, waayo maanta waxaa bilaabanaya, khudbo jeedintii Musharixiinta.

Dawladaha Kenya iyo Itoobiya oo kawada tirsan Ciidamada Amisom ayaa isku haya doorashada Kismaayo, taas oo aan la ogayn cawaaqibka ay keeni doonto.

Waxaa muuqata in ciidamada Ka socda wadamada dariska la ah Soomaaliya ay caqabad badan Ku yihiin amaan Ka iyo siyaasadda Soomaaliya, waana muhiim in taliska Amisom uu arintaas dib u eegis Ku sameeyo.

DF Somalia ayay waajib ku tahay inay arrintan go’aan ka qaadato, maadaama ay dalal ka tirsan AMISOM toos u faragelinayaan siyaasadda gudaha ee dalka.

Waxaa Diyaariyay: Xasan Cadde

Hadalsame Media