”Halla bedelo qodobka dhigaya inuu Somalia u dhashay qof kasta oo Soomaali ah!”

0

(Hadalsame) 20 Agoosto 2019 – Nin aan muddo 10 sano ka badan aan mar kasta ku wada doodi jirney arrimaha Somaliwayn ayaa intan igula dooday, wuxuu yiri:

”Dastuurka qodobka ku qoran ee sheegaya inuu qof kasta oo Soomaali ihi Somalia u dhashay waa in lagu laabtaa, waa in ugu yaraan lagu daraa shuruud (clause) cusub oo u dhigan sidatan: ”Qofka Soomaaliga ihi wuxuu Somalia xuquuq buuxda ku yeela karaa marka uu gobolkiisu kusoo biiro Somalia.”

Sababta ugu wayn ee tan daruuri ka dhigaysa waxay tahay in dalalka deriska ihi ay ka faa’iidaysi (expoloitation) ku sameeyeen qodobkaas, iyagoo noo soo dirsada basaasiin kaddibna waxaan u ogolaannaa caloosheenna iyo meesha ugu dambeeysa.

Waxaa xilligii ay ciidamadu dalka xukumayeen dhacay shilal badan oo la qabtay ama ay qaar baxsadeen qaar siro u gudbinaya cadowga, lkn asal ahaan ka yimid gobollada la haysto, waxaa kale oo jirta in JENERAALLO badan oo gaasas iyo guutooyin xukumayay ay haatan dib ugu noqdeen Kenya ama Itoobiya, taasoo halis ku ah taatikada iyo siraha Somalia.

Waxaa intaa dheer in qodobkani aanu keenin ujeedkii laga lahaa ee ahayd inuu dadka gobolladaas ku dhiirri geliyo inay xoroobaan, balse uu taa biddaalkeeda marka dambe keeni karo inay qaarkood ku fikiraan inay ”gumaysigooda noo soo safriyaan ama noola yimaadaan caqliyad ku dhisan gumaysi jacayl”.

Wuxuu kaloo daliishadey qodob kale oo duruufi ah oo ah in Soomaalida Somalia, marka dabcan laga reebo qof qabiil dartii wax loogu qabtay uusan xuquuq kale ku lahayn gobollada Soomaalida ee la haysto, oo aysan dadka degaannadaa ku nooli u tixgelin sida iyaga looga tixgeliyo Somalia. ”Xitaa nabad kuma dhex mari kartid gobolladaas marka aad u safrayso Kenya ama Itoobiya” ayuu ku dooday saaxiibkay oo iga codsaday in aanan magaciisa sheegin.

JAWAABTAYDA – Anigu waxaan warkii ugu gaabiyay inay duruufuhu is bedeli karaan, oo ay dalalka dadkan haystaa xitaa kala furfurmi karaan isla markaana ay iman karto xaalad saamaxaysa inay hirgasho riyada guud ee Somaliwayn, haddii qodobkaa iyo qiyamka Soomaalida gobolladaa wax laga bedelayana ay u baahan tahay in si wayn looga taxaddaro, sideedana aan meesha laga saari karin inuu qofka Soomaaliyeed ugu yaraan ku noolaado, wax ku barto ama ku ganacsado geyi kasta oo ay Soomaaliyi degto.

Dhanka xil qabashada, sideedaba Soomaalida Somalia lafteeda ayuuba hab-raacu ka khaldan yahay, balse dunidu waa iska baartaa qofka ay xil haba yaraadee u dhiibanayso, koleey Agaasime Waaxeed ku tahayna, tan kale waxaa waajib ah in meesha qofka xilka looga dhiibayo laga wada yaqaan isna dadka yaqaanno oo uu ugu yaraan muddo ku noolaa.

Balse Soomaalida waxaa ku filan ”hebel waa reer hebel”, taasoo aan hadhoow isaga ka celinaynin inuu ka shaqeeyo wax lid ku ah isla kuwa ugu dhimanaya ”reer hebelnimada”, marka taas Soomaalida Somalia ayaa laftoodu u baahan inay bedelaan oo aad u baaraan dadnimada, mabda’a qofnimada, qiyamka iyo daacadnimada qofka ay xil u dhiibanayaan.

Haddii ay Somalia meeshaa hab-raac iyo qorshe u samayn waydayna eed kuma laha ciddii kale ee iyadoo kala daadsanida ka faa’iidaysanaysa daneheeda ka fushata, waayo waa fursad ay sallaxday isla Somalia oo aanba 30 sano dowlad saaxi ah lahayn, marka wax dadkaa lagu wada eedaa ma jiraan.

Si ahaan, qof kasta oo Soomaali ihi wuxuu u dhashay Somalia aan baaris iyo dhabbagal kale la socon waa khalad, balse waxay la mid tahay ”qof kasta oo reer hebel u dhashayna waa in wax kasta la iskaga aaminaa!” ayaan ugu joojiyay.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media