DAL DAYACAN: Cillada EVC+ oo soo bandhigay baylahsanaanta bulshada & barraad la’aanta dowladda

0

(Hadalsame) 20 Agoosto 2019 – Si kastoo wiilku caasi unoqdo hooyadu uma abaal sheegato ilmeheeda balse waa u dulqaadataa, Hormuudna waa hooyada waddanka waana hoos la harsanayo.

Mar aan safar dhulka ah galay anoo xamar usii socda ayaan subax hore ku aadnay Magaalada Jalalaqsi oo dabcan Shirkadaha isgaarsiintu habeenkii la damiyo lana daaro 08:00am subaxdii sidaan xiligaas ku ogaa.

Waxaan ka tagnay Dhuusamareeb oo dabcan EVC+ maahane aanu wax kale ka shaqeyneyn.

Askari canshuur ka rabay gaariga wax la siiyo waala waayay ileen kaash meeluu ka shaqeeyo meeynaan ka iman, kaaga darane taleefankiina waa noogu jirtaa balse kalama bixi karno ileen shirkadaha isgaarsiintoo dhan waa dansanyihiin.

Dantu wexeey khasabtay inaan ilaa labada subaxnimo sii joogno.

Yoolka ama dulucda hadalkeygu wuxuu yahay; Hormuud kaalintii dowlad laga rabay ayeey noo buuxisay, laakiin dowladda waxaa ku waajib ah inay doorkeeda si deg deg ah u buuxiso oo ay dalka u sameeyso hannaan lacageed oo shaqayn kara, waayo dal dhami kuma tiirsanaan karo adeegga hal shirkad.

Inta ka horreeysa, waxaa nagu waajib ahaa inaan u mahad celino waayo adeeg aan hal Cent-ba Allaha ka dhigee eeynaan ku bixin ayeey nasiisaa halka shirkadaha kale sida Mbesa lacag ku goostaan adeegsigiisa.

Waxaa Qoray: Cabdinuur Caanageel

Hadalsame Media