Taliyaha Ciidamada AMISOM oo berri ku wajahan magaalada Kismaayo oo ay xiisadi ka taagan tahay

0
(Kismaayo) 19 Agoosto 2019 – Waxaa la sheegayaa inuu maalinta berri ah magaalada Kismaayo ku wajahan yahay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Tigabu Yilma xilli ay xiisadi ka oogan tahay maamulka Jubbaland.

Waxaa galabta la sheegay inay isku sigteen oo ay wax yar u jirsadeen inay is xabadeeyaan Ciidamo ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya, iyagoo isku qabtay dayuurad ciidan oo ay leedahay DF Itoobiya oo laga celiyay Garoonka Dayuuradaha Kismaayo.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale laga hor istaagey inay gudaha u galaan Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, iyadoo ay is hor taaggaa ka dambeeyaan Ciidammada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Arrimahan ayaa shaki gelinaya qaabka wada shaqayneed ee Ciidamada labadan dal oo ka wada tirsan AMISOM, waxaana halkaa ka taagan loollan ku aaddan doorashadda Jubbaland oo ay Dowladda Federaalka Somalia sheegtay in aysan aqoonsan doonin, haddii aan marin Dastuurka dalka u yaalla, sida ay sheegtay.

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo ah xil wareegto ah ayaa haatan waxaa haya dalka Itoobiya oo uu kasoo jeedo taliyuhu.

Hadalsame Media

Facebook Comments