Wuu khudbo siraystay, markii ay uur yeelatayna wuu ka dhaqaaqay! (Dhacdo murugo leh)

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2019 – Gabadhani waxa ay muddo saddex sano ah xiriir jecel la laheyd wiil ay saaxiibo ahaayeen, wiilka waxa uu gabadha ka dhaadhiciyay in ay is khudba sireeystaan, muddo labo bil ka dibna reerkeeda uu u sheegayo in ay is qabaan, guurkeedana mid la wada og yahay laga dhigaayo, sababta waxa ay aheyd in uu is diyaariyo labadaasi bilood sida uu gabadha u sheegay.

Gabadhii waa ay ka aqbashay inleen waa gabar jecel haayo, oo aamintay nin ay isleedahay nolosha ayaad ku midoobi doontaan, sidaasi ayay lasku Qudba sireesteen, gabadha waxa ay joogtaa guriga reerkooda. waxa ay u tahay gabar aan la guursan, maalmo ka dib gabadha iyo wiilka waa dhex maray wixii ka dhex dhici lahaa nin iyo Xaaskiisa, waxa ay nolosha sidaasi ahaato gabadha waxa ay isaga shakisay Uur waxa ay u tagtay dhaqtar waxaa loo cadeeyay in ay uur leedahay.

Markii labadii bil la gaaray ayay gabadha u sheegtay wiilka in ay uur u leedahay sidoo kale la gaaray waqtigii balanta oo reerkeeda la ogeysiin lahaa guurkeeda, Wiilkii oo aan u xumeyn nin dantiisa gaaray “waxa uu gabadha ku yiri ninkaaga raadso aniga ninkaaga ma ihi, mida kale adiga iyo uurka aad sheegeyso shaqo idiinkuma hili, in cabaar ah ayay murmeen, ka dib wuxuu yiri warkaaga haddii uu sidaasi yahay waa iga furan tahay imana soo sheegan kartid.

Gabadhu waxa ay sameyso ma taqaano reerkeeda waxba uma sheegi karto ileen gabar ayay u tahay oo wax u baraneysa, ninkii ay nolosha siisayna inta uu caloosha u buuxiyay ayuu meel cidla ah uga tagay, nolosheeda waxa ay wajahday fikir, isla hadal iyo murugo inkastoo-: inta ay reerka u dhex jirto ay is giijineyso si loo fahmin.

Waxa ay na soo waydiisatay tallo maadaama ay akhrisay tallooyinkii laga bixiyay Wiilkii Mobilkiisa ninka laga siiyay, maxaa la gudboon oo ay sameyn kartaa gabadhani tallada waa dhankiina?

W. Q: Nasriin Maxamed Ibraahim

Hadalsame Media